Puntland TV oo hawada dib ugu soo laabatay ka dib markii ay askar gadoodsan gudaha u galeen.
August 5, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in ay xarunta Puntland TV la wareegeen ciidamo ka careysan saraakiil xilka uu ka qaaday Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Saraakiisha la sheegay in xilka laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah Taliye ku xigeenkii ciidanka Booliska Gen.Muxyadiin Axmed Muuse iyo Taliyihii ciidanka Madaxtooyadda Puntland Col.Cumar Farawayne.
Kooxdan hubaysan ayaa ku amartay shaqalaha Puntland Tv inay isaga baxaan xarunta waxaana soo gaaray xarunta Puntland TV ciidamo daraawiishta iyokuwa madaxtooyadda Puntland iyagoo hareereeyey xarunta tv-ga Puntland.Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegaya in Issimo iyo siyaasiyiin ay ku guulaysteen in ciidanka gadoodsan ay ka saaraan xarunta tv-ga Puntland ma jiraan wax iska horimaad ah ama dagaal ah uu ka dhacay xarunta Tv-ga Puntland
Waxaa haatan Hawada ku jira Tv-ga shaqaalahii warbaahinta dowlada ayaa dib u bilaabay dhaqadii mana jirto wax iska horimaad ah oo ka dhacay gudaha xarunta Tv Puntland.
M_M Deeq
Halgan.net