Ra’iisul Wasaare DFS oo Shacabka iyo Xukuumadda Puntland ugu hanbalyeyeey Sannadguurada 16-aad

August 2, 2014 - Written by Editor

cabdiweli1Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa hambalyo ku aadan sannadguuradii 16aad ee ka soo wareegtay asaaskii Puntland u diray shacabka iyo Maamulka Puntland.Mudane Cabdiweli ayaa shacabka Soomaaliyeed ee reer Puntland u rajeeyey horumar iyo nabad waarta, isagoo sheegay in 1-da August ay shacabka Puntland iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed tusayso sida bulsho isu tagtay ay u dhisi karaan nidaam dowladeed oo shaqaynaya, iyagoo ku dheggan midnimada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Puntland ay horseed ka tahay Dowlad Soomaaliyed oo mid ah oo ku dhisan nidaamka Federaalka, waxana uu xusuusiyey shacabka Puntland in ay mar walba ka sii shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka dalka si loo gaaro dhammaan himilooyinka Ummadda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo ka hadlayey munaasibadda 1-da August waxa uu yiri: “Waxaan shacabka iyo Maamul Goboleedka Puntland oo ugu horreeyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ugu hanbalyeynayaa munaasibadda 1-da August oo ku aaddan sannadguuradii 16-aad ee markii la dhisay Maamulkaasi. Dadka reer Puntland waa dad nabad jecel, waxaana ku aamanayaa horumarka dhan kasta ah oo ay sameeyeen mudadii ay jirtay Puntland.

“Waxaa wax lagu faano ah sida dimuqraadiyada ku jirto oo maamulka Puntland ku soo dhaqmayey 16 sano ee la soo dhaafay, waxaana xusid mudan doorashadii ugu danbaysay oo runtii muujinaysay bisaylka dimuqraadiyadeed ee ka hanaqaaday Puntland” ayuu markale hadalkiisa ku daray.

–DHAMAAD–
Diraac Salaad Fagaase
Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaarha
Muqdisho, Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online