Ra’iisul-wasaarihii hore ee DFS Prof. Cali Maxamed Geedi waa la’igu been abuurtay.[Dhagayso]
August 28, 2014 - Written by EditorDubai:-Ra’iisul-wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa wax laga xumaaday ku tilmaamay in saxaafadda ay ka faafiyeen been abuur ah in lagu qabtay magaalada Saaxdheer oo ay saaka ka socotay caleema saarka Madaxweynaha Kaatumo Prof. Cali Khaliif. Ra’iisul-wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in uu ku sugan yahay dalka Imaaraadka carabta gaar ahaan Dubia, Prof Geedi ayaa sheegay in warar been ah la faafiyo oo ah in casumaad uu ka hellay caleema saarkii Madaxweynaha cususb ee maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif.
Idaacadda Dalsan Radio ayaa waraysigaan la yeelatay Ra’iisul-wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi isagoo ku usgan Dubia waxaan uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaad wixii khilaaf ah oo jirna lagu dhameeyo wada hadal.
Waraysiga Ra’iisul wasaarihii hore ee DFS Cali Maxamed Geedi ayaa ku soo beegmaya xili idaacadda ka howl gala magaalada Muqdisho ay faafiyeen in Ra.iisul wasaaraha lagu qabtay magaalada saxdheer oo saaka ay ka socotay caleema saarka Madaxweynaha maamulka Khaatumo Prof Cali Khaliif ka dibna ciidamo ka tirsan S/lland ay soo weerareen magaalada.
Hoos ka Dhagayso Ra’iisul-wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/tukgnx6eip/geedi.mp3]Source codka Idaacdda Dalsan
A/cawaale
Halgan.net