Saraakiisha ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo soo bandhigay hub ay ka soo qabteen Degmada Wadajir (Masawiro)

August 15, 2014 - Written by Editor

14738542100_8d7f83d74a_zMuqdisho:-Saraakiisha ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa si wadajir ah ugu warbixiyey howlgalo ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay ka fuliyeen Degmada Wadajir waxaana ay ciidamada galeen guriga gudoomiyihii hore degmada WadajirAxmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) C/llaahi Sheekh Xasan iyo xildhibaan Cumar Finish Warsaxafaadeed ka soo baxay ciidanka AMISOM ayaa lagu sheegay in howlgalka saaka ay ku soo qabteen 15-Qori ,saanad hub tiro maleeshiyo daacad u ahaa Axmed daaci kuwaas oo xabsiga loo taxaabay

Saraakiisha ciidanka Nabadsugida ee DFS iyo kuwa AMISOM ayaa hoosta ka xariiqday in ay wadayaan howlgalada hubka looga dhigayo hogaamiye kooxeedyada magaalada Muqdisho waxayna saxaafada u soo bandhigeen hubkii ay ka heleen guriga gudoomiyihii hore degmada WadajirAxmed Xasan Caddow (Axmed Daaci)

Dhanka kale Afhayeenka wasaarada amniga ee DFS Maxamed Yuusuf ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ciidanka DFS oo kaashanaya kuwa AMISOM ay howlgalo ka sameeyeen Degmada Wadajir hubna ay soo qabteen. Afhayeenka wasaarada amniga ee DFS Maxamed Yuusuf  ayaa sheegay in ujeedada howlgalada ay ahayd in hubka sharci darada ah laga dhigo Axmed Daaci wuxuuna sheegay in howlgalada ay socon doonaan.

no images were found

Howlgalada ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM saaka ka fuliyeen Degmada Wadajir ayaa waxaa ku dhintay ilaa 10 ruux waxaana ku dhaawacmay ilaa 20 kale kuwaas oo la geeyey Isbitaalka Madiina

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online