Sh. Bashiir Axmed Salaad oo muxaadaro ka jeediyey Masjidka Islii Mool ee magaalada Nairobi

August 6, 2014 - Written by Editor

maxresdefaultNairobi:-Guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed, Dr. Bashiir Axmed Salaad, ayaa xalay waxa uu soo bandhigay casharrada laga baranayo bishii ramadaan ee barakeysneyd. Sheekha, oo habeennadan muxaadaarooyin xiriir ah ka waday qaar ka mid ah masaajidda magaalada Nairobi, ayaa xalay soo gaba-gabeeyey, iyadoo xalay muxaadaradu ay ka dhacday masaajidka Islii Mool, wuxuuna xalay ka hadlay sida loogu baahan yahay in looga faa’iideysto casharradii laga bartay ramadaanka, waxaana ay kala yihiin duruustii ku jirtay ramadaanka:-

1- Qofka oo dareema inuu yahay bini’aadam.

Dr. Bashiir, oo sharraxaya qodobkan ayaa sheegay, in xawayaanka iyo bini’aadamku ay ku kala baddalan yihiin qaabka ay wax u cunaan, iyadoo xoolluhu ay wax iska cunaan, halka insaanku uu hadaf wax u cunno, kaasoo ah iney ku noolaan, kaddibna yeelaan awaamiirta la siiyo ee uu ramadaanku ka midka yahay.

2- Qofka oo naftiisa xakameeya.

Ramadaanka waxaa laga bartaya in qofku uu iska daayo wax xalaal ah oo uu haddana u baahan yahay, taasoo muddada uu sooman yahay uu ka reebban yahay, wuxuuna sheekhu carrabka ku dhajiyey iney fududdahay in dadka mukhaadaraadka isticmaalana ay bishaas uga faa’iideysan karaan iney iskaga jaraan.

3- In qofku ku xisaabtamo wax uusan arkin, kana tago wax uu arko.

Sheekha, oo qodobkan is-dultaagay, ayaa sheegay in uusan jirin qof aakhiro arkay, haddana loo shaqeysanayo, iyadoo qofku uu ka tagayo cuntadii uu cuni jiray, isagoo raajeynaya cunnada aakhiro, taasoo diintu u sheegtay balse uusan arkin.

4- In Illaahay dartii wax loo sameeyo.

5- In la dhadhansado barwaaqada.

6- In nimcooyinka la haysto loo idticmaalo cibaadada.

7- In nafta laga adkaado.

8- In Illaahay leyska ilaaliyo.

9- In dadka oo dhan uu ramadaanku simay, isku dareenna ka dhigay, maadaama la wada soonnaa.

10- In qofku barto qanacsanaanta.

11- In ramadaanka uu dadka baray  in leyska nadiifiyo saddex tilmaamood:

A- Kibirka

B-Damaca

T- Xasadka

Ugu dambeyntii: Dadkii dhageystay muxaadarada sheekha, ayaa aad uga maqsuuday qaabkii uu u soo jeediyey, iyadoo sheekhu qaab cilmi ah oo tusaalayaal la fahmi karo leh uu u soo jeediyey darsiga.

Halgan.net/Somalireal

Nairobi,Kenya

 

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online