Sh Cadnaan oo ka hadlay Xaqiiqda kooxda Daacish.(Daawo)

August 5, 2014 - Written by Editor

0-12Suurriya:-Waxaa halkaan idinkugu soo gudbinaynaa Kalimada uu Sh Cadnaan Carcuur uu uga hadlay Xaqiiqda kooxada isku magacawday dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Shaam (Daacish)  iyo qaabkii ay ku soo galeen dalka Suuriya iyo qaabka ay dadka u soo dhaweeyeen ka dibna qaabkii ay markii danbe iskugu badaleen in ay makri ku dileen madaxdii Mujaahidiinta ee hogaaminayey kooxihii la dagaalamayey dowladda Suuriya.

Sh Cadnaan ayaa waxaa uu soo bandhigay  goobaha ay kooxda Daacish ay ka geysteen dhibaatada iyo qaabka qarsoon ay dowladda Suuriya ee Nusayriyada ah aysan wax dhibaato ah aysan ka dhexeynin kooxda Daacish  oo goobaha ay joogaan aysna diyaaradaha Suuriyasan wax duqeyn ah aysan ka geysan.

Sh Cadnaan ayaa waxaa kale oo uu soo bandhigay goob ay ku jiraan Garoono diyaaradeed oo ay kooxaha mujaahidiinta ee Suuriya ay go’doomiyeen balse markii danbe ay la wareegeen kooxda Daacish ay hadda yimaadaan diyaarado laga leeyahay dalka Suuriya oo u wada cuno iyo raashin ciidanka Suuriya arrinkaas oo su’aalo la iska wiidiinayo.

Hoos ka Daawo Sh Cadnaan Carcuur iyo Xaqiiqda Kooxda Daacish


Waxaa kale oo kooxda Daaich horay uga hadlay hogaamiyaha Jabhada Islaamiga ee dalka Suuriya isagoo ku eedeeyey waxyaabaha ay ka mid yihiin dilal iyo shirqoolo lagu dilay madaxda Mujaahidiinta iyo weeraro ay kooxda Daaich ay ku qaadeen goobo laga xoreeyey ciidanka Suuriya.

Kooxda Daacish ayaa waxaa bayaano kale duwan oo ay ku sifaynayaan in kooxdu tahay mid inxiraaftay oo khawaarij ah ka qoray raggii taageeri jiray Fikriga kooxaha  jaalka la ah Al-qaacid raggaasna waxaan ka xusi karnaa Sh Maxamed Al-Maqdasi, Sh Abu Qataada Al-falstiine , Sh Abu Dardhuusi iyo rag kale.

Hoos ka Daawo Hogaamiyaha Jabhada islaamiga Zahraan Caluush


C/casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online