Sheekooyinka Paris – 1 W/Q Sh Maxamed Idirs
August 20, 2014 - Written by EditorParis :-Somaalida intii Qaran jabku ku dhacay adduun badan ayey mareen, dhibaatooyin kala duwanna wey la kulmeen, Seattle ilaa South Africa, Norway ilaa New Zealand, iyo inta adduun u dhexeysa.. Badaha iyo Berriga, Diyaaradaha iyo Maraakiibta iyo Trainada, baabuurta iyo baaskiilada, waxaa Soomaalidu ku leedahay sheekooyin badan oo aan la illaawi karin, dal kasta iyo magaala kasta waxaa ka yaal xusuus buugaagta taariikhda ay ahayd in lagu qoro, si facyaalka Soomaaliyeed ee soo socdaa ugu cibra qaataan, maalinka ay degaan, oo dalkooda ilaahay nabad iyo barwaaqo uga dhigo ilaahay idankii, oo yiraahdaan aabayaashaya iyo awoowayaashaya waxaan oo dhiba ayey soo mareen, adduunka daafihiisa ayey ku kala yaaceen iyagoo nolol raadis ah, laakiin waxaa tiiraanya leh Soomaalidu waxba ma qorto, Waxna ma akhrido sida badan, waxa la dhegeystaana ma waaraan.
Waxaan ku dhiiri gelin lahaa qof kasta oo Soomaaliya oo adduunkan maray, oo marxaladaha adag ee Soomaali soo maray joogey, waxna qori kara inuu qoro sheekooyinka soo maray iyo kuwuu goob joogga ka ahaa, ama dadkey ku dhacday ka maqlay.. Qofna yuu is oran Qoraa ma tihid, ama sida wax loo qoro ma taqaanid, wax kasta iska qor hadaadba farta kicin taqaan, kasoo qaad adoo waraaq u qoraya saaxiibkaa ama walaalkaa, taas ayaa taariikh noqoneysa..
Qoraal taariikhda hara waxaa ugu wanaagsan midka qalbiga ka soo go’a, ee sida dabiicigaa loo qoro, ee aan jilidda iyo is kalifka lahayn.. Qoraalada adduunka waaray qaarkood dad caadiya oo aan qoraa ama gabyaa ama suugaan yahan ahayn ayaa qoray, iyagoo wixii qabsaday keliya ka sheekeeynaya, meel fogba ha aadin, boggeenan fb sheekooyinka bulshada ee aan ku soo gudbinno dad caadiya oo rag iyo dumar leh ayaa asal ahaan soo qora, aniguna waan sii naash naashaa mararka qaar, wixii sixid u baahanna ka saxaa, sidaas ayaana buugaag badan adduunka lagu qoraa.. cid kuu saxda ama kuu toosisa qoraalka ma weydo, mar hadii asalka sheekadu sidey u dhacday qorantahay.. Marka qof walbaa haku dadaalo inuu qoro wixii uu soo. maray ama yaab arkay ama Soomaalida dhibaatooyinkii ku dhacay gudo iyo dibad uu goob joogga u ahaa..
Sheekooyinka Paris wexey la mid yihiin dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed Qurbaha kala kulmeen intii Qaran Jabku ku dhacay, ee Dalkoodu burburay.. Kitaabka Sheekadii Tahriibka oo aan Hal Qiso oo Tusaale ah ka qoray, wax badan ayey tuseysey, Sheekada Paris ay iiga warameen Dhalinyarta reer Paris ee arrinkaa soo maray, iyagu si caadiya ayey annagoo makhaayadda ka cashayneyna isaga warameen, daqiiqado kooban, sida laga yaabo in mararka ay shaaha cabbayaan ay uga sheekeeyaan, laakiin halkaas ayaa looga tagaa badanaaba oo miiskii shaaha lagu cabbayey ma dhaafto, laakiin marar badan ayey dhacday asxaabta aan adduunkan intaan socdo kula kulmaa ay iska sheegaan sheekooyin gaa gaaban inta aanu shaaha cabbeyno ama cashayneyno ama wadadaba socono, aniguna aan markaas u arko iney tahay sheeko la qori karo laakiin qofka sheegayaa aanu marar badan dareensanayn, waxa uu sheegayaa iney buug la yaab leh, ama Filim xiisa leh ay noqon karaan, taasna waa dareenka u dhexeeya qofka caadigaa iyo Qoraaga ama Saxafiga..
Haddaba waxaan rajaynayaa saaxiibaday reer Paris, Anas iyo Cabdimalik iyo Daacad, inaaney la yaabin hadaan sheekadii yarayd ee aan ku cashaynay intaan makhaayadda hindiga fadhiney, aan qoraal taariikhda hara u bedelo.. Waxaanse ka cabsi qabaa, in Asxaab badani ay meelaha aan fadhiyo hadalka ka gaabsadaan oo is yiraahdaan M Idris ayaa wax idinka qoraya!!
Saaxiibkay Dr. Cali Maxamed Salax ayaan tusay inuu ku xusan yahay, Hordhaca Kitaabka aan tahriibka ka qoray, wuxuuna kusoo galay, habeenadii aan sheekada ka qoray, ninka sheekadu ku socoto ee tahriibka soo maray, ayaanu Dr Cali isku meel seexaneyney, magaalada Lausanne ee dalka Switzerland, markii horana sheekada isku si ayaa na loogu sheegay, laakiin waxaan dareemay markiiba iney mudantahay in la qoro, oo ummad badani akhrido taariikhdana ay u harto inshallaahu..
*******************************************
Sheekooyinka Paris – 2
Hadaan guda galo Sheekooyinka Paris, aan marka hore xuso iney booqashadani tahay tii labaad ee aan ku imaado Paris, muddo 6 bilood guduhood ah, sababtuna waa hawlaha dacwada ee aan ka bilawnay oo aan dabagal ku samaynayey iney hirgalaan inshallaahu, ayna ugu horrayso sidii Markaskii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey, looga hirgelin lahaa magaala madaxda Faransiiska, Paris!!
Halka Caasimadaha Yurub intooda badan ay Soomaalidu maraakis ku leeyihiin sida hadba loogu kala badan yahay, sida London, Stockholm, Oslo, Copenhagen, Helsinki, Amsterdam, Bonn, Lausanne, Vienna, Faransiiska waxaad moodaa inuu xoogaa dib u dhacay, wax walbaana waqti qaddaran ayey leeyihiin laakiin waxaan is leeyahay, waxaa sabab u ah malaha, Faransiiska oo nidaam adag, dadka oo Paris ku yar, iyo qaxootiga oo waqti dambe soo galay (2009) iyo wixii ka dambeeyey.. Dadka wax dhisaana waa dadka qaxootiga ee ma aha dadkii waaya hore qurbaha soo galay, kuwaas hore hadeyba badbaadaan ayey nasiib wacan leeyihiin, iska daa wexey bad baadiyaan ama dhisaan.. Maraykanka halka gobol ee Soomaali ku badan tahay, haddana aaney hal markasna lahayn, waa Gobolka Washington DC iyo Hareereheeda Virginia iyo maryland.. Halkaasoo dadka deggan u badan yihiin dadkii maraykanka todobaataneeyadii iyo sideetameeyadii soo galay.. Waxaa kaloo la mid ah: New York iyo New Jersey..
Halka Goboladii Maraykanka lagu soo dejiyey Qaxootiyadii laga bilaabo 1992 sida Sandiego, Atlanta, Minneapolis, Ohio, iyo meelaha la midka ah dhamaan Masaajid iyo Madaaris fara badan markiiba laga asaasay..Paris sidaas oo kale waxaa deggan Soomaali fara badan oo soo gashay waqtiyaal hore, sideetameeyadii iyo ka hor ama ka dib, laakiin dalka iskaga firirsan, Paris deggan, weligeedna hal madaraso oo xitaa Qur’aanka lagu xifdiyo, ama caruurta wax loogu dhigo lagama samayn..
Wuxuu igu yiri nin dhalinta ka mid ah: (Waxaan trainka agtiisa ku arkay gabar Soomaaliyeed oo ilma wadata, waxaanan u sheegay inaan Markas meel kura ah raadineyno si ay Masjid iyo Madarso Taxfiid Soomaalida ugu noqoto! wuxuu yiri: Gabadhii wey bururtay, wexeyna ii sheegtay iney walaala carab ah caruurt u geeyaan laakiin culays la isku qabo, keligeedna ay qoysas fara badan oo soomaaliya oo meel ay caruurta geeyaan la’ garaneyso!
Nin kale oo Magaalada Paris deggana 30 sano wax ku dhow wuxuu yiri: Waxaad dhalinyaradiina qaxootigaa samayseen hadaad Markas Furtaan, wax aanu annagii wadanka degganayn soddon sano qaban kari weyney!!
Waxaan Paris, garoonkeeda weyn ee Charles De Gaule, ka soo degey abbaaraha 13.10 duhurnimo, waxaan aroortii kasoo kicitimay Magaalada oo Oslo.. Waxaa garoonka igu sugayey asxaabta reer Paris qaar ka mid ah ilaahay khayr ha siiyo, waxaanu soo raacney trainka ilaa bartamaha magaalada ka dibna train kale ayaanu ku bedelaney oo na geeyey xaafadda Markaska cusub si aan u soo arko, taasoo ahayd muhiimadda ugu weyn ee booqashadaan halka maalin ah.. Maadaama ay ballantii nooga dhimmanayd wax saacad ku dhow, waxaan fariisannay makhaayad yar oo ay qola Muslimiina oo caraba leeyihiin, oo Reer Jazz’ir ah oo meeshan ku badan, laakiin ilaahay amarkii, sida wadanka ay ugu badan yihiin reerkaas waqooyiga iyo galbeedka afrika ka yimi, uma fir fircoona sida reeraha Asiya ka yimaada ee inta badan ingiriiska la dega iyo dadka af ingiriisiga ku hadla.. Waxaad moodaa quruumaha Qaarad yareyda Hindiya ka yimaada iney meelaha ay degaan si fiican loogu soo hiran karo, oo masaajid iyo maraakis iyo ganacsi waaweyn iyo fir fircooni xagga siyaadda dalalka ay joogaan ah.
Waxaa innaga xageenna dalka joogey oo ku badnaa Soomaalida reer Jabuuti, laakiin waxaad moodaa iney ku dhex milmeen nolosha faransiiska ilaa iyo waqti hore oo aaney ka tegen wax raad ah oo maraakis ama masaajid ama iskuulo iyo wax la mid ah oo dacwada astaan u noqon kara.
Qaraabada (Kharaabadda)!
Wexey iiga warrameen Anas, Xasan, Daacad iyo Cabdi maalik oo ka mid ah racii ugu soo horreeyey qaxootiga oo yimi 2009 ” Sheekhow rafaad ayaa raggaan aad arkeyso kasoo maray magaaladaan Paris, Raggaan hadda wuu wada shaqeeyaa Al xamdulilah, waa deggan yahay, waraaqihii dalka lagu joogayey wey haystaan, laakiin qisa dheer ayey ka soo mareen, oo joornaalada iyo TV yada Faransiiska ayaama dhan mashquulisay”..
*************************************
Sheekooyinka Paris – 3
Qisadaa ragga soo martay hadaan ka sheekayno sidey iigu weriyeen, wexey badan kood ku yimaadeen Faransiiska dhanka diyaaradda, markii aan ka soo deganey airporka Paris, gudaha dalka ayaa nala soo geliyey, laakiin sida ka dhacda dalalka scandinavia iyo ingiriiska, nalama soo dhowayn, kaam nalama geyn, qaabilaad is dhiib nalooma samayn, ee magaalada gala ayaa nala yiri, hadaad doontaanna xafiiska socdaalka ama qaxootiga u taga, magaalada Paris oo magaala zaxmad badan oo ciriiri badan oo aan cidina cid eegihayn soo galnay, jaah wareer iyo meel aan aadno ma garaneyno, lacag ma wadno, shaqo iyo hawl meelna ma heli karno oo sharci ma lihin, rag ayaa tegey meeshii la iska dhiibi lahaa, waa lasoo cayriyey waxna lama siin, malaha nimanku waa qaxooti badan ka carar oo inaan ka huleelno ama dibad jir iska ahaanno ilaa aan quusanno ayey rabaan..
Soomaali meel ay leedahay ama lagu hagaago ma jirto, sida Holland, Amsterdam masalan waxaan ogahay xafiiska jaaliyadda Soomaalida ee Amsterdam, ee la yiraahdo SOMFAO waxaa isku soo hagaajin jirey dhamaan qaxootiga Soomaalida oo habqanka ah ee Holland soo gala, walaalaha xafiisku mararka qaarkood maalin walba 10 ila dhawr iyo toban ayey soo dhowayn jiren, cunto iyo gaari raac iyo kaalmo af iyo adinba u fidin jireen, Paris bal kulan Soomaaliyeed ma leh..
Taasi waa dersi Soomaalidu meel kasta oo ay tagto waa in dadka u hormara ee degaa is xilqaamaan, oo meel samaystaan lagu soo hirto, oo walaalohooda dhibaataysan ee socotada ah ay ku martigeliyaan ayaamo intey meel kale u gudbayaan ama salka dhiganayaan, laakiin hadey is xilqaami waayaan, kuwii hore, kuwa dambe dhib badan ayey la kulmayaan, taas ayaana Paris ka dhacday waana midda hadda aan markaskan Soomaalida u wadno oo laga gaashaamanayo inshallaah.
Dhalinyartii meel ay u dhaqaaqaan iyo cid ay af gartaan markey waayeen, wexey degeen dhismo burbursan, oo dagaalkii adduunka ee labaad la deganaan jirey, oo kharaabad qashin qub iska ah, albaaba xiranna aan lahayn, halkaas ayey is yiraahdeen dhaxanta iyo qorraxda bal kaga carara, maryaha aad wadataanna goglada, wixii aad meelaha ka heshaanna ku quuta, ama dadka dhergey wexey qubaan waa adduun iyo xaalkiise!,
Meesha sawira ka mid ah ayaad maqaalka ku arki doontaan sidii uu TVga Faransiiska usoo sawiray!
Halkaas “kharaabada” ama “Qaraabada” ah ayaa raggii isku urursaday, sidii hadba mid u imanayey ilaa 60 ayaa la gaarey, waxaaba ugu darnayd gabar uur leh ayaa meeshii kusoo biirtay oo miciin bidday, fooshii ayaa meesha ku qabatay, wax ilmihii kasoo qabta lama hayo, halkan ayey gal galaneysaa, kaaga darane in badan dadkani wexeyba ka baqayaan booliska iyo meelaha dawladda hadey tagaan in la xiro! Lasoco…..
*****************************************
Sheekooyinka Paris – 4
Gabadhii raggii badankood waa ka carareen, nin malaha raggii geelleyda ahaa oo wadna haya ayaa yiri war ka leexda, oo gabadhii ilmihii kasoo jiidey, kadibna meel cisbitaal ayaa loola orday, waxaa yaab lahaa sidey ii sheegeen wiilasha iney ku tiri ilmaha meel iskaga tuura! Subxaanallaah, waxaan ku iri buu yiri: War ilmahan nool meel lagu tuuri maayee, waan la orodnay iyadii iyo ilmihii oo cisbitaalka ayaan geyney, markaan maalinkii dambe kusoo noqonayna waxaa naloo sheegay iney baxday oo ilmihii ka tagtay, ilmahaasna sidaas ayaa gaaladii ku qaadatay! iyadiina meel damboo ay jaan iyo cirib dhigtay ma aanan arag!
Nimankii dhawr bilood ayey kharaabadii ku noolaayeen, nin Reer Jasaa’ir ah ayaa markii dambe xabbada rootiya oo qallalan u keeni jirey oo la kala goosan jirey.. Maalinkii dambe waxaa u yimi Oday gaal ah oo da’ weyn oo carab kasoo jeeda Suuriya iyo Lubnaan, oo doonaya wax uu gaalaysiiyo, hungurina raggaan meesha tuban kasoo galay, Anas nin la yiraahdo ayey is heleen, Anas waa nin Qur’aanka xafidsane, markuu dhegeystey raggii wuu uga digey oo wuxuu yiri: war cidii rabta iney gaalowdu ninkaa hala hadasho! yacni iskaga carara, Odaygii waa laga kala cararay! Anas wuxuu igu yiri: waxaan ku iri: War nin yohow sheekadaan bal dhinac inoo dhige, annaga dad meeshaan ku dhibban ayaan nahaye, hawlahaasna hadda aan u soo jeedine, bal sidaan wadankaan wax uga heli lahaan ma noo sheegi kartaa?
Odaygii wuxuu yiri: Haa, oo wadankaan waxaan anigu soo galay 50 sano ka hor, sidaas aad hadda tihiin ayaanuna u rafaadnay, ka dibna waanu qaylinay oo dawladda goobeheeda ayaanu albaabadooda is dhoobnay, ee ha fadhina halkan ee Dawladda xafiisyadeeda taga, oo qayliya, sidan iyo dhuumaalaysigan waxba kuma heleysaan!
Anas Taladii ayaan qaaday ayuu yiri oo asxaabtii ula imi, anoo leh nimanyohow aan dhaqaaqno oo xafiisyadaa dawladda ku mudaaharaadno! Asxaabtaan hadda aad wada socono wey ila qaateen arrinkii, Anas Luqada Faransiiska xoogaa ayuu yaqaan markaasba! Laakiin raggii intiisii kale waa diideen, qaylo iyo sawaxan ayey isku dareen: “Nimanyohow inaad na qarxisaan oo nala xir xiro ama nala musaafiriyo ayaad rabtaan ee na daayaa”, intaa kuma gaabsane gacan ka hadal iyo in Anas iyo asxaabtiis la budheeyo ayeyba gaartey!
******************************************************
Sheekooyinka Paris – 5
Bani aadamku waa miskiin, waxaan soo xusuustay sheeka aan ku qoray Buuga Tahriibka, oo ka dhacday nin Mukhalis ah oo dalka malaysiya dadka buufiska dhoofka qaba intuu u yimi ku yiri: “waxaan hayaa doon ama markab nin chinese leeyahay, oo idiin qaadi karta tahriib ilaa Australia, qof walbaana 2 kuna ama 3 kuna ha bixiyo, boosaskuna waa kooban yihiin, ayaamo gudohood ayuu 100 kun ka badan ku urursaday, xitaa dad ayaa Somalia iyo Kenya lacag kasoo xawiley! Walaalow boos ii qabo!! markaasuu yiraahdaa: Lasoo dhaqso lacagta oo xawaaladda soo dhig boosasku waa cariiri waxbaan kuu baar baarayaa! Wuxuu ii sheegay nin dadka lacagtaas laga qaaday ka mid ahaa: Markaaan arkay ninka dhaqankiisa ayaan ka shakiyey, waxaanan dadkii ku iri: “War ninkani been ayuu innagu war wareejinayaa waxna ma hayee, lacagteenna aan ka ceshanno inta goori goor tahay, ama Dawladda u dhiibno” saa wuxuu yiri: Islaamihii iyo dadkii badankood ayaa igu kacay, war ninyohow Allahaa haduu Alle yahay na daa, oo line ka hanaga qarxin!!! Hadde waaba la ogaa wixii ka dhacay, doon iyo markab toona lama helin, meel xeeb ah dadkii oo ku urursan oo indha caddaynaya, ayaa boolisku wada qabtay, oo xabsi loo wada taxaabay, ninkiina lasoo xiray!
Hadda Anas iyo dhawr qof markey yiraaheen war aan Dawladda la hadalno, oo xafiisyadeeda hor dhoobanno oo qaylinno, iyagii ayaaba lala dagaalamay..
Anas ma fariisane wuxuu soo kaxeeyey, gabar Weriye ka ah Joornaalada Paris ugu waaweyn mid ka mid ah oo la yiraahdo “Le Parisian”, meeshii ayuu keenay, wuxuu yiri bal kaalay nala soo arag meesha aan kaga noolnahay Paris, Caasimadda Dalka Faransiiska.. Markaas oo kale saxafiga wexey u tahay, sheeka aan la heli karin, oo xitaa buug uu ka qori karo!! “Breaking News story” weeye.. Gabadhii meeshii ayey timi, mise maxaa is dhex yaal, dad iyo qashin iyo rafaad!!! Sawir ayey dhagta ka gelisey, waraysi ayey dadkii ka qaaday? sidee u noo shihiin? maxaad cuntaan? maxaad goglataan? ilin ayaaba ka timi gabadhii weyba is hayn kari weydey!!
Subixii ku xigey Joornaalka wajigiisa hore ayey sheekadii oo dhan oo sawiradii wadata soo dhigtay!! Paris iyo Ferenjigii oo dhan ayaa isla kacday!! War ma dad saasa ayaa Paris ku dhex nool! War ma Caasimadii Xorriyadda iyo Caddaaladda iyo Insaaniyadda (Sida ay sheegato) ayaa dad sidaas u rafaadsani ku noolyihiin! Aaway Duqii magaalada! aaway Booliskii iyo immigrationkii! aaway degmadii iyo xaafaddii ay ku noolaayeen masuuliinteedii?! waa maxay ceebtan dhacday?! La soco….
***************************************************
Sheekooyinka Paris – 6
Galabkii meeshii Kharaabadda waxaa soo dhoobtay wixii Joornaal, TV iyo Radio ahaa!! oo mid walbaa u jeedda leeyahay, mid war doonaya, mid mucaarada oo xukuumadda ku shidaya! waraysiyo, masuuliintii degmada ayada meeshii yimi, TV yadii ayaa masuuliintii diirka ka dhigay, Su’aalo: Sidee arintaan u ogaan weydeen? hadaad ogaateenna maxaad wax uga qaban weydeen, ama dadkaan u musaafirin weydeen ama arrinkooda u xallin weydeen?.
Horta ferej ayey raggii u noqotay, oo markiiba waxaa la dejiyey Hotel, cunto iyo jiif ayaa la siiyey, ka dibna isla maalmihiiba waxaa lagu qaabilay xafiiskii qaxootiga iyo socdaalka, waxaana 10 qof oo u horreyey, oo raggii dagaalamayey ee lahaa yaan Dawladda loo tegin ka mid yihiin, la siiyey min 10 sano oo deganaansha dalka Faransiiska ah!! Cajab.. Weligeed lama siin qaxooti iqaamad 10 sano ah, waqtigaa ka hor iyo ka dib, hal sano ama laba sano ayaa qofka loogu dhufan jirey, raggii kharaabada oo dhan min 10 Sano ayaa loogu dhuftay, Lacagna waa loo qoray cayrta ah, guryana waa la dejiyey!! Markaas ayey dalka degeen oo shaqooyin iyo jaamacado iyo Fursada kala duwan bilaabeen, heer ragga qaarki dukaama furteen, ragna guursadeen, ragna shaqooyin fiican heleen, Alxamdulilaah ilaahay ferej ayuu u furay, dad ayuuna u adeejiyey..
Wexey ka abaal sheegteen gabadhii saxafiyadda ahayd, nin lawyerada waraaqaha dhameeya ahaa, oo si fiican ugu doody, oo dadka qaarkiis xafiisyada dawladda lacag la’aan ugu raaci jirey, ilaa uu hubsado iney waraaqohooda gacanta ku dhigaan.. iyo dad kale oo faransiisa oo aad u caawinay.. Wexeyna jecelyihiin in loogu yeero furitaanka Markaska inshallaahu, maca duqqa degmada hadda laga furayo Markaska inshallah..
Raggii shalay kharaabada ku noolaa weeye rag ka mid ah, ragga hadda markaskaan hawl wadeenada ka ah, oo dadaal badan ku bixiyey sidii lagu heli lahaa markaskaan inshallaah, lixdii bilood ee u dambayseyna iyaga ayaan wada shaqayneyney ilaa safartii hore ee aan Paris ku imi bishii Feb 15, 2014, Maanta ka dibna Soomaalida wexey ku yeelan magaalada Paris markas inshallaahu, qofkii socota ah kusoo hagaago, qofkii caawimaad u bahda uu ka helo, la isugu yimaado, lagu tukado jumco iyo jamaaco, duruusta lagu akhristo, dugsiga caruurta loogu dhigo, dadka waaweyn luqadda loogu dhigo, Magaalada Paris oo dhan hal dugsi ama Markas Soomaalidu ku kulanto kan ayaa ugu horreeya taasina waa guul weyn waase tallaabadii u horreysey waxaan rajaynayaa, Ilaahay idankii, Tallaabooyin ka waaweyn iney daba socdaan, oo dacwada iyo diinta iyo dadka Soomaaliyeed khayr u noqota inshallaahu, laguna ilaaliyo diintooda iyo dhaqankooda iyo luqaddooda.. La soco……
*************************************
Sheekooyinka Paris – 7
Sheekada Paris waxaan kusoo afjarayaa, anigoo joogey 17 Saacadood, Intaas yarna hawla badan ey nooga qabsoomeen 15 saac ka mid ahna ay shaqo xiriira ahayd, dacwada islaamka iyo khayrku markuu meel ka bilawdo waxaa Sunnada Ilaahay tahay in Cadaw kala duwani usoo boxo, in caqabada kala duwani ka hor yimaadaan, shaqa kasta oo khayr ah waxaa shaydaanku ka horkeenaa si uu u carqaladeeyo wax sharta u adeega oo ka hor yimaada, weliba waxaa waaya aragnima badan lagu arkay markii tallaaba wanaagsan la qaadaba caqabado ka hor imaanaya iney bilawdaan oo awal aan jirin, markii khayr bilawdo ayey shartuna godadka ka soo baxdaa, hadaan wax khayr ahi socon waxaa dhici karta iney iska hurudo, laakiin tallaaba wanaagsan markii la qaado ayey qodxanyuhu hareerahaaga kasoo muuqdaan, mararka qaarna waxaaba dhici karta caqabaduhu iney kaaga yimaadaan dadka kuugu dhow, qaar socon kari waaya oo jiidis kaaga baahan, qaar khal khala oo dejin kaaga baahan, qaar shubuhaad lagu furo oo sugid kaaga baahan, qaar cabsi iyo baqdin lagu abuuro oo inaad geesinima geliso oo xasiliso kaaga baahan, qaar daala marka safartu dheeraato oo caqabaduhu bataan, oo aan shaqadaan dhibkeeda iska deyno yiraahda, waxaas oo dhan wey iman karaan, meela badan oo dacwada iyo khayrku ka hirgalayna waan kusoo aragnay, dhalinyarta dacwada iyo Markaska Paris wadda waxaan kula taliyey kuna adkaynayaa, imtixaan ka dib ayaa guusha la gaaraa, dacwaduna caqabadaha wey ku kortaa oo ku baraartaa, ee sugnaada, dacwada iyo khayrkana marna haka gaabina, caqabadaha iyo cidii camalkaan caqabad ku keentana haka wel welina..
La soco…..
*****************************************
Sheekooyinka Paris – 8 (Farriimo Muhiima iga qora!)
Soomaalida badanaaba markii meel khayr ka bilawdo caqabadaha la yaqaan waxaa ka mid ah doc faruur! iyo looma dhamma! iyo reer hebel ayaa wata! iyo reer hebel wax kama ogayn! iyo wax la mid ah.
Ilaahay waa ogyahay, shaqooyinka dacwada ee aan adduunka iyo Dalka gudihiisa ka wadnaba weligeen reer hebel kuma salayn, kumana dhisin, iyadoo is barashada iyo (li tacaarafuu) ilaahay jideeyey oo sharci ay tahay, haddana hal nin oo aan ilaa hadda reerkiisa weydiiyey ama ogahay dhalinyarta Paris ka shaqayneysey ma jiro, annagoo aad isugu kalsoon oo wada shaqaynay muddo lix bilood ah, waxaanan aamin sanahay Soomaaliya dadka dib u dhisi kara qaran nimadeeda iyo Dawlad nimadeeda waa Dadka Islaan nimo iyo soomaalinimo gubieyso, wadaniyad Soomaaliyihi xanuujineyso, dan gaar ah iyo dan reerna aan shaqada ku wadan, dadka sidaas ah ayaan qabaa iney yihiin kuwa Qaran Soomaaliyeed dib u dhisi kara.
Waxaan aamin sanahay Maxamed Idiris ahaan, Nin aan Soomaali oo dhan tol ka dhigan karini inaanu Soomaali wax tari karin, hogaaminna karin.. Haddaanu aaminsanayn kana dhabayn kuna dhaqmin, guri walba, iyo gobol walba, iyo reer walba inuu tolkiis yahay, oo uu u tegi karo, wax ka dhaadhicin karo, kasban karo, daacadnimo ula hadlikaro, inaanu Soomaali Qaran u horseedi karin..
Waxaan aamin sanahay Qof aan Sanduuqa Qabyaaladda ka bixini inaanu Hawada Soomaalinimo Helina karin, Horseedina karin.. Af keliya aan uurka jirinna wax kuma hagaagaan.. in Mikarafoonka Soomaalinimo laga sheego, habeenkiina qabyaalad la maleego ilaahayna ma ogola, aadanuhuna ma rumaysto..
Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu Tawbadda na waafajiyo, waxa uurka jira iyo afka waxa laga sheegaana isu keen waafaqaan, Ilaahayna Qarankii iyo Dalkeenii oo nabad iyo barwaaqaa inta daacadda ah ee akhyaarta ah talada noogu dhiibo, maxasta naga dayacantayna ilaahay noo samata bixiyo…. La soco..
**************************************
Sheekooyinka Paris – 9 (Uff…oo Uff… ayaan Leeyahay)
Dhalinyaroy meel kastoo aad joogtaan, dalka gudihiisa ama dibadiisa, Daacadnimo iyo Diin iyo Soomaalinimo ayaan isku ognahay inaan ku shaqayno..
Uff..Uff..oo Uff.. Waxaan leeyahay mid kasta oo magac iyo maamuus iyo makaanad ku raadiya darxumada iyo dal la’aanta Soomaalida dal iyo dibadba baa ba’san..
Uff.. oo Uff.. waxaan leeyahay, mid kasta oo xoolo inuu ka buuxsado ku raadsada, isagoon dan ka lahayn, qaranka jajaban..Ducafada gaajaysan.. iyo dalka burbursan…
Uff oo Uff waxaan leeyahay mid kasta oo jaga aan wax ka jirin iyo dantiisa hoosaysa ku raadsada dulliga iyo dac darada Soomaalida xeryaha qaxootiga daadsan, ducafada dariiqyada Muqdisha iyo meel walba ku rafaadsan..
Uff oo Uff waxaan leeyahay mid kasta oo ka taajirey dhiigga iyo dhacaanka dadka Soomaaliyeed ee nacabka iyo nacuhu isu celiyeen ee dalkooda qaniga ah iney agoon ku noqdaan baday..
Uff oo Uff waxaan leeyahay mid kasta oo shahaadooyin waaweyn inta soo qaatay haddana raalli ku noqday aqoontiisa inuu inuu ku iibsado sandareerta yar, iyo gumaysiga iyo dulliga dadkiisa iyo dalkiisa..
Soomaali maanta wexey u baahantahay dad aamin san dadkan iyo dalkaani inuu qiima leeyahay, oo sharaf leeyahay, oo nolol wanaagsan istaahilo..
Wexey u baahantahay Dad han leh oo himmad sare leh, oo aamin san hadeey mudulka seexdaan, ama mayraxda cunaan, iney wax ka qiima weyn haystaan shilimaadka loogu tabaruco, oo dalkoodu barwaaqo iyo khayr ka buuxo, laguna hodi karin doollara yar oo loo daadiyo, oo sharafta iyo magaca Soomaaliyeed iyo qabkiisa ka xiga..
Soomaali wexey u baahantahay maanta dad Dawladnimada ka raadiya Soomaali dhexdeeda, Badeheeda iyo Berrigeeda, Buureheeda iyo Beereheeda, guryeheeda iyo xaafadeheeda, rageeda iyo dumarkeeda, agoonteeda iyo masaakiinteeda, odayaasheeda iyo Habreheeda, Heshiiskeeda iyo Kalsoonideeda, Nabad gelyada ka raadiya qalbigeeda iyo qanaacadeeda, Xoolahana ka raadiya jeebkeeda iyo jabad yadeeda..Wexey u baahantahay dad Soomaalida iska sharaxa, u adeegooda iyo u daacadnimadooda markhaati ka dhigta, inta aaney cid kale iska sharixin, ama jagada laaluush ku iibsan..
Soomaaliya iyo Soomaalidu wexey u baahantahay dibna ugu soo noqon kartaa, adduunkuna ku qaddarin karaa, dad Soomaalida ay matalaan qaddariya, oo qiima u yeela, oo iyaga kalsooni ka raadsada.. Dad ay Soomaalidu caleema saarato ee aan loo caleema saarin, dad ay baratay oo daacadnimadooda iyo hawlkarnimadooda ku baratay ee aan habeen madow dhulka hoostiisa laga soo bixin, ama dallad baarashuud ah cirka lagaga soo dejin..
******************************
Sheekooyinka Paris – 10 of 10 (Soomaali ciddii jecel ayey jeclaan)
Hadalkaan aan qorayo walaalayaal iskama lihi, carrabka caaradiisana kama iman ee wadnaha iyo beerka ayuu ka soo go’ayaa, carada iyo xanuunka aan dareemayo, dad badanina ila wadaago, ayuu ka turjumayaa, wuxuuna i xusuusinayaa guubaabadii Sayid Maxamed Allaha u naxariistee:
Waryaaya Sow Dariiqada Dhab iyo Daacad uma Joogno
War Sow Dereja Aakhiro wexeer loo dikriyi maaha
Waryaaya Maad is dooxdaan Caraa Lala Dillaa Caaye!
Waxaan kusoo afmeerayaa butaacada dareenkayga, Soomaalidu sida ummadaha kaleba wexey kalsooni siineysaa qofkii iyada kalsooni u muujiya! wexey aamineysaa qofkii iyada aamina! wexey jeclaaneysaa qofkii iyada jeclaada! waxaa dareenkeedu la jirayaa qofkii iyada dareenkeeda ilaaliya! wexey wax ka dhegeysaneysaa qofkii iyada wax ka dhegeysta! wexey askar u noqoneysaa qofkii iyada u noqda askari ilaaliya diinteeda iyo sharafteeda iyo dhulkeeda.
Kaasoo kalena lama aqoon waayo, caruurta yar yar ayaa garata, ciidda iyo cirka ayaa laga jeclaadaa, daacadnimada iyo dadaalka ayaa lagu gartaa, dadku xoola maaha ee ilaahay caqli ayuu siiyey, doqoma ma wada aha ee dareen iyo dadnimo ayey leeyihiin, inaaney kula hadlin ama kugu gedoodin ama kugu qaylin macneheedu maaha inaad u malayso inaaney waxba garanayn..
Qofka 10 malyan oo Soomaaliya iney doqoma yihiin u qaata ayaa doqon weynaadey ah! Qofka 10 milyan oo Soomaaliya iney indha la’yihiin oo aaney waxba arag mooda ayaa indha la’ oo aan waxba arag!.. Qofka isu maleeya inuu 10 milyan oo Soomaaliya ka caqli badan yahay oo khiyaami karo ayaan caqli lahayn!.. Qofka u maleeya 10 milyan oo Soomaaliya iyo dalkooda intuu suuqa kasoo xaraashto inaan cidi arkayn ama la garanayn ayaan waxba arag waxna garanayn!…Af malaba iyo uur mirir ahna meel laguma gaaro!..
Waxaan haddaba ugu yeerayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed iyo Inta damiirka iyo dareenku ku haray ee waaweyni iney is doontaan, shardiga lagu wada shaqaynayaana uu yahay, dan gaara iyo dereja beena raadinteed inaan lagu dagmin, dan reer iyo dugaal qabyaaladeedna wax la moodin, doollara laguu daadsho dalkaagana la duudsiyo inaan la yeelin…Geerida xalaashaana mar bey dullinimada dhaantaa..
Ilaahayna Tawfiiqda hana waafajiyo.. Dalkana dadkiisii mar uun buu soo bixiye yaan la quusan niyadana layska dilin inshallaahu tacaalaa, Wabillaahi Tawfiiq..
W/Q Sh Maxamed idirs