Shirweynihii 8aad Ee Dalladda (FPENS ) oo lagu soo Afmeeray Muqdisho (Masawiro)
August 18, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Shirwaynihii sideedaad ee dalladda waxbarashada ahliga ah FPES ayaa maalinimadii jimcaha ku soo gabagaboobay magaalada muqdisho caasimadda dalka Somalia.
Shirkan oo socday laba maalmood ayaa waxa ka soo qayb galay kodhowaad (90) jimciyadood waxbarasho oo ku bahoobay dalladdaas, kana mid ah (130) jimjciyadood oo ay ka koobantahay dalladdu, taas oo ka jira dhamaan gobolada Somalia.
Shirkan oo lagu lafa guray qodobo badan oo khuseeya dalladda ayaa waxa ka soo baxay qodobo ay ka mid ahaayeen:
- In la dardar geliyo howlaha dalladdu u hayso bulshada.
- Xeerhoosaadka oo wax laga bedelay gaar ahaan sida ay noqonayaan xubnaha dalladdu iyadoo laysku raacay inay noqdaan kuwo hal mid ah, halka markii hore uu maamulkoodu u qaybsanaa sadexda qaybood ee koonfur, Somaliland iyo puntland.
- In uu ka koobnaado xubnaha maamulka dalladdu (25) xubnood kuwaas oo ka kala imanaya: 1)koonturta iyo bartamaha somalia (12)xubnood, 2) Somaliland (7) xubnood, 3) puntland (6) xubnood.
- Doorashada maamul cusub iyadoo loo doortay:
- C/qaadir Xasan Axmed (Kadle)(Guddoomiye).
- C/raxmaan Khayre (G/kuxigeenka kowaad).
- Maxamed faahiye ciise (G/kuxigeenka labaad).
Dalladda FPENS ayaa waxa la asaasay 1999 iyadoo ay keentay baahi loo qabay midaynta iskaashiga waxbarashada ahliga ee soomaaliya waxana lagu bilaabay (16) xubnood halka ay hadda ka kooban tahay ilaa (130) xubnood, sidoo kale waxay dalladdu gacanta ku haysaa arday gaaraya (124408) (735)dugsi, halka ay ka qalin jebiyeen arday gaaraya (178689).
no images were found
FPENS
Muqdisho