Socdaalkii ay xubnaha Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ku tageen Muqdisho.[Daawo Video]

August 13, 2014 - Written by Editor

2Muqdisho, 13 Agosto 2014 – Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho maanta aroortii iyagoo booqasho taariikhi ah ku yimid dalka Soomaaliya si ay u eegaan horumarka ay gaartay Dowladda Federaalka oo kaalmo ka helaysa beesha caalamka, iyo si ay u muujiyaan taageerada ay had iyo jeer u hayaan dadaalka uu dalku ugu jiro si uu u xaqiijiyo inuu nabad waarta helo.

Booqashada shan iyo tobanka xubnood ee Golaha waxaa hogaaminaya Wakiilka Joogtada ah ee Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) u qaabilsan Qaramada Midoobay, Danjire Mark Lyall-Grant iyo Danjire Usman Sarki ee Nigeria.

Inta ay booqashada ku joogeen dalka, xubnaha Golahu waxay la kulmeen Madaxweyne Xassan Sh.Maxamuud, Raiisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed, xubno sarsare oo ka tirsan Dowladda iyo Baarlamaanka Federaalka, hogaamiyeyaasha Maamulka Jubba ee Kumeelgaarka ah iyo Galmudug, Axmed Islaan Madoobe iyo Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid.

Waxaa sidoo kale ay wadahadal la yeesheen madaxda sare ee Xafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) iyo Hawlgalka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo xubno ka socday bulshada rayidka.

Booqashadu waxay imanaysaa waqti aad ugu muhim ugu ah Soomaaliya iyadoo dalku isu diyaarinaya marxaladda labaad ee hawlgalka militeri ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxna ka qabanaya xaaladda baniaadanimo ee sii xumaanaysa, horeyna u sii wadaya dib u habeyn siyaasadeed si la isugu afgarto nidaam maamul oo federaal ah.

Hadal uu ka jeediyay Garoonka Dayuuradaha ee Caalamagiga ee Muqdisho, Wakiilka Gaarka ah ee Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK), Danjire Mark Lyall-Grant, wuxuu yiri “Waxaan ku faraxsanahay inaan fursadan u helnay inaan Soomaaliya booqano.

Booqashadeenu waxay hoosta ka xariiqaysaa sida ay beesha caalamku uga go’antahay inay taageerto horumarka ay Soomaaliya u qaadday si ay u gaarto nabad iyo xasillooni. Goluhu wuxuu soo dhoweynayaa heshiisyadii siyaasadeed ee dhowaan la gaaray si loo dhiso maamulo ku meelgaar ah, oo ay ka mid yihiin sameynta Maamulka Jubba ee ku- meel gaarka ah iyo heshiisyada laga gaaray Maamulka Koonfur Galbeed  iyo Gobollada Dhexe.

“Xubnaha Golaha waxay sidoo kale muujiyeen inay filayaan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay: si deg deg ah u sameyn doonto guddiga doorasha qaran ee madaxabanaan horseed ka noqon doonto hanaan wax dib u eegid loogu sameynayo dastuurka farina loogu qaadayo dhammaadka sannadka 2015 soona abaabusha doorasho dhacda sannadka 2016.

Xubnaha Golaha Amaanka waxay diyaar u yihiin inay taageeraan dadka iyo dowladda Soomaaliya si aragtidan looga dhabeeyo.

no images were found

Xubnaha Goalaha Amaanka waxau sidoo kale hoosta ka xarriiqeen muhimadda ah leedahay in haweenku ay wakiillo ku yeeshaan dhammaan heerarka hanaanka siyaasadda ee Soomaaliya.” ayuu raaciyay Danjire Lyall-Grant.

Wefdiga Golaha Amaanka wuxuu ka koobanyahay wakiillada Argentina, Australia, Chad, Chile, Shiinaha, Faransiiska, Urdun, Lithuania, Luxembourg, Nigeria, Jamhiiriyadda Kuuriya, Isutagga Federaalka Ruushka, Rwanda, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) iy Maraykanka (USA).

Hoos Ka Daawo Video.ga

Source:UNSOM.UNMISSION.ORG

 

 

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online