Soomaali badan oo ku xir-xiran xabsiyada magaalooyinka waaweyn ee dalka Zambia.
August 23, 2014 - Written by EditorZambia.:-Iydoo uu dhawaan dalka Zambia, ka dhacay raaf loo geystay Soomaalida halkaas ku nool ayaa weli dad badan ay ku xiran yihiin xabsiyada magaalooyinka Lusaka iyo Indhola ee dalkaas.
Dadka ilaa iyo hadda xir-xiray ayaa boqol qof ka badan, iyadoo hanti lagu qiyaasay bololaal kun oo doolar ay ku waayeen dadka Soomaalida ah, markii uu socday howlgalkii lagu raafayey.
Soomaalida xir-xiran ayaa waxaa loo qabtay qareenno u dooda, balse ilaa iyo hadda xaalkooda dhinaacna uma dhicin, waxaana jirta baqdin laga qabo in mar kale howlgalladu soo laabtaan.
Ma ahan markii ugu horreysay oo sidan oo kale loo raafo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Zambia, iyadoo dhibaatooyinka Soomaalida ku haysta dalalka adduunka ay isa soo tarayaan.
Halgan.net
Zambia