Ururka wacyigelinta iyo Nabadda oo maanta xaflad taariikhi ah ku qabtay Nairobi [Masawiro]

August 3, 2014 - Written by Editor

9Nairobi:-Magaalo madaxda Kenya ee Nairobi gaar ahaanna xaafadda Soomaalida ee Islii ayaa maanta lagu qabtay munaasabad si weyn loo soo agaasimay, ayna ka dhex muuqdeen dad bulsho weynta Soomaaliyeed magac ku dhex leh sidda Culimada oo ugu horreeyey Sh. Maxamed Cabdi Umal, siyaasiyiinta ay ka mid ahaayeen Wakiilka Mp-ga degmada Kaamakuuji Mudane Axmed Boolis iyo xubin ka mid ah aqalka hoose ee Degmada, ganacsato rag iyo dumarba isugu jirey iyo aqoon yahan kale.

Xafladdaan oo ahayd mid ka gedisan kuwii horey loogu qaban jirey xaafadda Islii ayaa gabo-gabo u hayad siminaar bishii ramadaan dhalinyarada Soomaalieed gaar ahaanna kuwa jaamacadaha, Macaahidda iyo dugsiyada sare loogu qabtay Markazka Al-hidaaya ee isla xaafaddaas ku yaal. Munaasadda ayaa waxaa sidoo kale da’yar aad u badan oo ay wajiyadooda ka muuqatay farxad iyo rayn rayn ay u qabaan siminaarka iyo shahaadooyinka ay goobta ku guddoomayaan. Markii dadku ay soo buuxiyeen hoolka weyn ee Islii Mall ayaa munaasabadda algu daahfurey aayaad Qur’aana oo ay akhriyeen Qur’aa ka mid ahayd dhallinyaradii Siminaarka ku hawlanaa muddadii uu socday.

Ugu horreyn waxaa xafladda Furey Gudoomiyaga ururka nabadda iyo wacyi galinta dhallinyarada Ustaad C/raxmaan Shible, isaga oo ka soo qaybgalayaasha uga mahadceliyey sida ay waqtigooda u soo hureen.

Wax yar ka dib Sh. Maxamed Cabdi Umal  ayaa lagu soo dhaweeyey mikrafoonka isaga oo dhallintii goobta soo xaadirtay kala hadlay dhawr qabob oo noloshooda taabanaya, sida; inay cilmiga ay barteen ku camal falaan, haddii kalese ay noqonkaraan dameer kutub cilmi ah , sidda Alla Qur’aanka ku sheegay, inay gudbiyaan aqoonta ay bateen iyo ugu dambayn inay noqdaan shaqaale Alle dhalinta meesha timid oo u badnayd dhallinyaro aqoono kala duwan leh maadaama ay ahaayeen bulshada qaybaha aqoon ahaan ugu sarsarreeya ayaa Sh. Umal ula hadlay qaab ka duwan hababka ay culimadu muxaadaraadku ugu jeediyaan dad weynaha caadiga ah.

Intaas ka dib waxaa hadlay xubin ka socotay xaafiiska MP-ga Kaamakuuji Axmed iyo Xubin kale oo ka tirsan baarlamaanka dawladda hoose ee Nairobi, kuwaas oo sheegay inay ku faraxsan yihiin inay arkaan intaan oo qof oo dhallinyaro ah oo wan wanaagsan iyaga oo horey u maqli jirey dadka ku noo Islii ee dhalin yarada ah inay yihiin kuwo xun xun.

Kulankaan oo ay ka soo qaybgaleen saxaafadda gudaha iyo tan caalamiga ah labaduba ayaa ku xigeenka gudoomiyaha Mudane Cukaash warbixin gooban ka siiyey habka iyo nidaamka ay u dhisan yahay ururka nabadda iyo wacyigalinbta (PAY) iyada oo warbaahinta gudaha oo ay ka socdeen xubno aan islaam ahayni ay aad ula yaabeen sida ay u abaabulanyihiin dhallintaani.

Waxaa halkaas abaal marino lagu gudoonsiiyey tobobo arday oo kaalimo sare galay, kuwaas oo la siiyey xirmooyin qaali ah. Waxaa xusid mudnaa in isku xiraha guud ee PAY Ustaad Suldaan kana mid ahaa asaasayaashii ururkaan dhidibada u taagay uu sheegay inay abaal-marin gooni ah siinayaan Madaxa dhallinyarada PAY C/raxmaan C/llaahi, iyaga oo dadka hortiisa lagu gudoon siiyey Kitaab uu turjumay midka mid ah howlwadeenada Pay Ustaad Cirro.

no images were found

W/D: Cabdirisaaq Cirro

Nairobi, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online