Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Puntland Axmed Cabdi Xaabsade oo ku sugan Gobolka Mudug.
August 10, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa shalay soo gaaray Degmada Goldogob ee gobolka Mudug Wasiirkii hore ee wasaarada arrimaha gudaha Puntland Axmed Cabdi Xaabsade waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuuliin ka tirsan gobalka Mudug.
Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirkii hore ee wasaarada arrimaha gudaha Puntland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey Degmada Goldogob waxaana qado sharaf u sameeyey cuqaasha iyo masuuliinta Degmada Goldogob .
Axmed Cabdi Xaabsade ayaa waxaa uu ka soo baqoolay maagalada Jig-jiga ee xarunta DDS waxaana uu socdaal ku soo maray deegaanka Galaadi ,Dhudub,Wardheer,Bursaalax waxaana uu kulamo la yeeshay Issimada iyo Cuqaasha deegaanada uu soo maray
Warar hoose oo aan wili la hubin ayaa sheegaya in Wasiirka hore ee wasaarada arrimaha gudaha Puntland Axmed Cabdi Xaabsade uu ku wajahan yahay xarunta dowlada Puntland ee Garoowe halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxda dowlada Puntland. Axmed Cabdi Xaabsade ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Maamulada Puntland iyo S/land waxaana la wada sugayaa marka uu tago Garoowe oo uu warbaahinta la hadli doono.
M_M Deeq
Halgan.net