Wasiirkii hore ee waxbarashadda DGPL oo ka hadlay shaqaaqadii ka dhacday xarunta Puntland TV.[Dhagayso]
August 10, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Wasiirkii hore ee wasaradda waxbarashada dowladda Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa waraysi gaar ah siiyay maanta Radio Daljir waxaa uu uga hadlay shaqaaqadii ay qaar ka mid ah ciidamad Puntland ay ka sameeyeen xarunta Puntland Tv arrinkaas oo ka caraysiisay Issimada , Waxgaradka Gobolka Nugaal. Wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa ugu baaqay shacabka Puntland isku duubni iyo in la ilaaliyo nabadgelyadda iyo in madaxda dowladda Puntland lala shaqeeyo.
Wasiirkii hore ee wasaradda waxbarashada dowladda Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa ku tilmaamay falkii lagu carqaladeeyey xarunta Puntland Tv mid wax u dhintay sharafta dowladdnimo iyo weliba sharafta caasimada Puntland ee Garoowe oo dadka ku nool lagu yaqaan ilaalinta isku duubnida iyo hirgelinta dowladdnimada, Wasiirka ayaa waxaa kale oo uu ugu baaqay madaxda dowladda Puntland in wixii tabasho ah si hoose ay u eegto si xal waara loo wada gaaro.
Hoos ka dhagayso Waraysiga oo Radio Daljir ee uu qaaday WariyeMaxamed Cabdilaahi Cali Kooshin.
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/njxjj88lpu/juxa.mp3]
M_M_Deeq
Halgan.net