Xaflad qalin jabin dufcadii 5aad oo ka dhacday Machadka Saylac.[Masawiro]
August 8, 2014 - Written by EditorBorama: waxa saaka subixii lagu qabtay hoolka Machadka Saylac xaflad qalinjabineed taas oo ay ka soo qayb galeen culimaa’udiin uu hogaaminaayo sheekhu baladka gobalada Awdal iyo Salal Sh C/laahi Sh Cali Jowhar, ganacsato,odayaal dhaqameed, aqoonyahano, qurba-joog waalidiin iskugu jira rag iyo dumarba.Haddaba xafladan ayaa waxa ahayd xaflad aad loo soo agaasimay taas oo ahayd qaabka loo dhigay mid ay aad indhahaaga u soo jidanayaan.
Ugu horayntii halkaa waxa kalmad qiima badan ka jeediyay sheekhu baladka Sh C/laahi Sh Cali Jowhar ayaa aad ugu mahad celiyay dhamaan dadka ka soo qayb galay gaar ahaan ardayda iyo macalimiinta ka hawl gala Machadka Saylac wuxuna tilmaamay in Machadku yahay kii ugu horeeyay oo noociisa ah oo gobollada Awdal iyo Salal laga hirgelyo Sh C/laahi ayaa waxaa uu u dardaarmay ardayda qalin jabisay in ay cilmiga halkaa ka sii wadaan oo machadku uu siiyay furihii cilmiga iskana ilaaliyaan tashayukha (culimo iskayeelka).
Sidoo kale waxa kalmad haboon oo ku saabsan machadka iyo xaflada qalin jabinta ka warbixiyay maamulaha Machadka Saylac Sh Xassan Khayre Dirir isagoo tilmaamay machadka xiligii la aas aasay iyo u jeedooyinka loo aas aasay isagoo ardayda ku dhiiri galiyay in ay cilmiga halkaa ka sii wataan wuxuun u mahad celiyey dhamaan marti sharafka kala duwan ee xaflada ka soo qayb galayna.
Waxaa uu sidoo kale maamulku uu xusay in ay sanadkan ay ka qalin jabinyaan Machadka Saylac ilaa 70 arday oo iskugu jira rag iyo dumar,46 arday ayaa wax ay ku qalin jabiyeen daraasaadka islaamiga ah ee machadku bixiyo iyagoo qaatay shahaado diblom ah halka ay 24 arday ay ka qalin jabiyeen luqada carabiga ah.
Sidoo kale waxa ka mid ahaa culimada halkaa ka hadashay:-
1. Sh maxamed cabdi xasan (sh shiine)
2. Sh Xasan Daheeye Axmed
3. Sh Abuubakar Xoosh Xareed
4. Sh C/jabaar Sh. Cumar
5. Dr. Maxamed Cali Nageeye
culimada ayaa waxaa u mahad celiyeen dhamaan mari sharaftii ka soo qaybgashay xafladaan waxaan dardaarn qiimo badan ay u jeediyeen dhamaan ardayda qalin jabisay .
Waxaa xusid mudan in xaflada ay hadal kooban ay ka jeediyeen Salaadiinta kala ah:-
1. Suldaan ibraahim jaamac samater
2. Suldaan c/raxmaan jaamac dhawal
3. Xildhibaan abuubakar cabdi good
4. Iskuduwaha diinta iyo awqaafta gobalka awdal Sh Xamuud Nadiif Axmed
5. Iskuduwaha wasaarada tarbiyada iyo tacliinta Aadan Faarax Maxamuud iyo weliba Hooyo Waris Camir Bade.
Dhamaan dadkii goobta ka hadlay ayaa waxaa ay ugu mahad celiyeen macalimiinta iyo maamulka machadka hawsha ay gacanta ku hayaan una dardaarmay ardayda in ay cilmiga barashadiisa la sii joogteeyo.
no images were found
Ururka dhalinyarada ee
Badbaado, Boorame