Xafladii Sanadguurada16aad markii la aasaasay Puntland oo ka socoto caawa xarunta Baarlamaanka Puntland.[Masawiro]

August 1, 2014 - Written by Editor

IMG_5256Garoowe:-Waxaa caawa si toos ah ugu socda hoolka Baarlamaanka Dowladda Puntland  ee magaalada Garoowe xaflad lagu xusayo sanadguuradii 16aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay maamulka Puntland ,xafladaan oo ay ka soo qayb galeen xubnaha ugu sareeya Dowlada Puntland gaar ahaan madaxweynaha  ,madaxwene ku xigeenka,  Xildhibaanada golaha baarlmaanka Puntland,  wasiirada ,Issimo ,culima awdiin  iyo waxgarad kale .Xaflada ka socota Golaha shacabka ee Puntland  ayaa ku soo beegmaysa xili saaka Barxada weyn ee Garoowe  laga  dhigay munaasabado lagu weynayno sanadguuradii 16aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay dowladda Puntland.
Martida ka soo qayb galay xaflada ayaa waxaa ay caawa sugayaan Khudbadaha ay madaxda Dowladda Puntland ay jeedin doonaa ka dib khilaaf soo kala dhexgalay Dowladda Fedreaalka Soomaaliya  iyo Puntland ka dib markii maamul loo samaynayo gobollada dhexe qaab dhismeedkiisa iyo inta degaan oo uu ka koobnaanayo la isku qabtay maadaama Gobolka Mudug qaybo ka mid ah uu ka tirsan yahay maamulka Puntland

Hoolka Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ku sugan marti sharaf fara badan oo qayb ka yihiin aqoon yahano ka yimid Qurbaha. Intii ay socotay Xaflada ayaa waxaa la soo bandhigay Filim ka tarjumay  hanaanka maamul wanaag ee Puntland laguna falanqeeyey waxqabadka wasaaradda Puntland xiligii gaabnaa ee ay hayeen xilka ilaa intii Madaxweynaha dowladda Puntland loo doortay Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Dhinac kale waxaa ka dhacay saaka magaalada Gaalkacyo Munaasbada Xuska 1-Agoosto waxaa ka soo qayb galay  Maamulka Gobolka Mudug, xubno ka tirsan Golaha deegaanka ee Gaalkacyo , Saraakiil Ciidan , Arday , haween   iyo shaqaalaha dowladda Puntland.

Xaflada ayaa waxaa hadal kooban ka jeediyey gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug Farxaad Cali Xaad  waxaan uu ku dheeraaday horumarka ay ku tilaabsaday Puntland ilaa intii ay jirtay waxaan uu ku booriyey dadweynaha in la xuso maalintaan oo kale isagoo dhaleecayn u jeediyey Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya  Xassan Sh Maxamuud isagoo ku tilmaamay mid garab maray Dastuurka Soomaalidu ku hishiisay.

Dhinac kale waxaa xaflad mid daan oo kale ah  laga xusay magaalada Boosaaso  ee xarunta Gobolka Bari, dhamaan masuuliyiinta maamulka Gobolka Bari , Saraakiisha ciidanka , Arday Issimo  ayaa ka qayb galay xaflad.

no images were found

Warbixinta oo dhamaystiran dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu

N.J.A
Halgan.net 
Garowe

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online