Xildhibaan ka tiran Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay
August 1, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-War naga soo gaaray magaalada Muqdisho dhawaan ayaa waxaa uu sheegay in la dilay Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya xili uu ku sugnaa degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir. Xildhibaanka la dilay ayaa Allaha u naxariistee waxaa lagu magacaabaa Sh.Aadan Maxamed Madeer oo mar ahaan jiray Gudoomiyaha Gudiga Maaliyada Baarlamaanka DFS iyo Wasiirul dowlaha Maaliyadda.
Xildhibaanka ayaa waxaa la dilay ka dib markii uu soo tukaday Salaadii Jimce uuna marayey meel u dhow Is-gooska afar Irdood ee Degmada Xamar weyne waxaan dilka u geystay dhalinyaro ku habaysan Bistoolado.
A/cawaale
Halgan.net