Xildhibaano Dowladda Federaalka Soomaaliya oo saaka soo gaaray Garoowe.[Masawiro]

August 16, 2014 - Written by Editor

IMG_6554Garoowe:-Waxaa saaka soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Dowladda Puntland qaar ka mid ah Xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya ee deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland ka dib codsi wada tashi oo uu ugu yeeray Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas arrinkaas oo sabab u ah khilaafka u dhexeeya madaxda DFS iyo Puntland. Xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya  ee saaka yimid Garoowe ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay ilaa 6 Xildhibaan waxaan garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda Puntland.

Xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa kulan hor dhac ah waxaa ay la yeeshee Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ka dib booqasho ay ku  tageen Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Kulanka ka dib ayaa  Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas waxaa uu la hadlay warbaahinta isagoo uga mahadceliyey Xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya sidda ay codsiga dowladda Puntland ay u aqbaleen wuxuuna uu sheegay in uu dhici doono kulan balaaran oo wada tashi ah oo dhex mari doona Xildhibaanada DFS iyo Dowladda Puntland kaas oo laga so saari doono warsaxaafadeed iyo go’aano wada jir ah oo taabanaya xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya.

no images were found

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online