Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo gaaray magaalada Gaalkacyo

August 10, 2014 - Written by Editor

diyaaradGaalkacyo:-Wafdi Xildhibaano ah oo uu hogaaminay Xildhibaan Maxamed xuseen Nuur Xagaafe ayaa saaka soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaan safarkiisa ku weheliya ilaa 4 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha baarlamaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wafdigaan Xildhibaanada ah ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay ilaa 6 Xildhibaan kuwaas oo ka soo kicitimay magaalada Muqdisho, Xildhibaanada Dowladda Federaalka ee ka soo jeeda deegaaada Puntland oo la filayey in ay yimaadaan maanta Puntland ayaa tiradood ahaa ilaa 10 Xildhibaan  balse waxaa dib u dhacay 6 ka mid ah sidda uu saxaafadda u sheegay Xildhibaan Maxamed xuseen Nuur Xagaafe.

Xildhibaan Maxamed xuseen Nuur Xagaafe oo la hadlay saxaafadda ayaa u sheegay in Puntland ay yimaad ka dib markii Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Gaas oo ka codsaday in ay wada tashi u yimaadaan Puntland haddana ay yimaadeen magaalada Gaalkacyo una sii gudbi doonaa magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Xildhibaanad Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee C/laahi Yuusuf  Axmed ee magaalada Gaalkacyo Maamulka Degmadda Gaalkacyo gaar ahaan Duqa Degmada Cabdicasiis Jaamac Nugaal Gudoomiyaha xigeenka Gobolka Mudug Farxaan Cali Xaad iyo weliba Gudoomiyaasha degmooyinka Mudug iyo Galdogob.

Safarka Xildhibaanada Dowladda Federaalka ee ka soo jeeda degaanada Puntland ay ku yimaadeen Garoowe ayaa ku soo beegmay ka dib maalin ka hor markii uu madaxweynaha Puntland uu xiriirka u jiray DFS uuna wada tashi ugu yeeray Xildhibaanada iyo xubnaha golaha xukuumada ee ku jira DFS ee ka soo jeeda Puntland.

Wixii faah faahin ah dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allahu

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online