Baarlamaanka DFS oo maalinta berri la hor-geynayo Ra’iisul Wasaarahe Sharmaarke (Masawiro)

December 23, 2014 - Written by Editor

9Muqdisho:-Kulan ay galabta isigu yimaadeen guddiyada Joogtada ee Barlamaanka DFS oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaahir) ayaa waxaa looga hadlay waqtiga la hor-keenayo,oo uu kalsoonida weydiisanyo Raisulwasaare Cumar C/rashiid golaha shacabka waxaana ay gudiga isku raaceen in maalinta birito ah 24-12-2014  uu Raisulwasaaraha DFS uu horyimaado golaha baarlamaanka.

C/kariim Xaaji Cabdi (Buux) Xoghayaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu maalinta berri baarlamaanka uu weydiisan doono codka kalsoonida.

Xoghayaha Baarlamaanka DFS ayaa yiri ” maalinta berito ayaa baarlamaanka la hor keenayaa Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, si xubnaha baarlamaanka ay codka kalsoonida ugu qaadaan”.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa uu kulamo wadatashi ah uu la lahaa isbuucan xildhibaanada DFS iyo wakiilo ka socda beesha Caalamka.

no images were found

Kulanka ay yeesheen maanta guddiyada Joogtada ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online