Ciidamada Puntland oo kala wareegay Al-Shabaab degaanka Madashoon

December 29, 2014 - Written by Editor

PIaBoosaaso:-Wararka naga soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegay in ciidamada dowladda Puntland ay shalay howl galo ka fuliyeen deegaanada fog fog ee Buuraha Golis waxaan iska horimaad hubaysan uu dhexmaray ciidamada ka tirsan Al-shabaab.

Ciidanka dowladda Puntland gaar ahaan kuwa PIA ayaa weeraray  Saldhiga ay Al-shabaab ka samaysteen deegaanka  Madashoon oo dhinaca Galbeed kaga beegan Galgala una jirta 23-KM iyagoona la wareegay gacan ku haynta deegaanka Madashoon sidda uu saxaafadda u sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland ee Aaga Galgala.

Sarkaal u hadlay Ciidanka Puntland ayaa sheegay in howlka ay shalay ka fuliyeen deegaanka Madashoon ay ku dileen ilaa 12 ka tirsan Al-shabaab.

Ururka Al-shabaab  ayaa waxaa ay saldhiga ka samaysteen degaanka Madashoon  ka dib markii ay ciidanka Puntland  ay qabsadeen deegaanka Galgala oo horay ay saldhig uga samaysteen Ciidanka Al-shabaab.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online