Ciidanka DFS oo howlgalo ka wada inta u dhexeysa Buulo-burte iyo Jalalaqsi

December 30, 2014 - Written by Editor

ciidan_DFBuulo-burte:-Ciidanka DFS oo ay weheliyaan ciidamo madani ah oo ka soo jeeda Degmada Buulo-burte iyo Jalalaqsi ayaa ku guuleystay in ay ka saaraan kooxda Al-Shabaab tuulooyin u dhexeeya Degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi.

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay waxay billaabay howlgal ay kaga qaadayaan xayiraada ay saareen kooxda Al-Shabaab Degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Buulo-burte Cusmaan Geeddi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka DFS ay ka ceyriyeen kooxda Al-Shabaab tuulooyin u dhexeeya Degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi wuxuuna sheegay in xaalada Degmada Buulo-burte ay tahay mid adag.

Ciidanka DFS ayaa waxay shalay ka ruqaansadeen Degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi waxaana ay balantu tahay in ay ku kulmaan tuulada Buurwayn oo u dhexeysa Degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi .

Ciidanka DFS ayaa waxaa ay galbinayaan raashin Gargaar ah oo loo wado Degmada Buulo-burte oo ay xayiraad saareen kooxda Al-Shabaab waxaan Degmada Buulo-burte gaajo ugu dhintay tiro shacab ah oo ku haray Degmada.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online