Madaxweyne Xassan Sh.Maxamuud oo la kulmay dhiggiisa Masar.[Masawiro]

December 29, 2014 - Written by Editor

IB0A9201-515x343Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xassan Sh.Maxamuud iyo Madaxweynaha Dalka Masar, Abdel Fattah el-Sisi, ayaa maanta kulan ku yeeshay qasriga Madaxtooyada Masar ee magaalada Qaahira.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xassan Shiikh Maxamuud, wuxuu Madaxweynaha dalka Masar uga warbixiyay xaaladaha siyaasadda, amiga, bulshada iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Wuxuu Dowladda iyo Shacabka Masar uga mahadceliyay sida ay Soomaaliya isu garab taageen xilliyadii adkaa. Wuxuu yiri Madaxweynuhu “si weyn ayaan ugu xisaabtameynaa Masarta cusub ee uu hoggaamiyaha u yahay Madaxweyne Sisi in ay kaalin weyn ka qaadato dadaalka dib u dhiska Soomaaliya.”

Labada Madaxweyne waxay si buuxda isugu af garteen in ay iska kaashadaan dhinacyada waxbarashada, beeraha, tababbarka ciidammada, dhaqaalaha, dhaqanka iyo arrimaha bulshada.

Madaxweynaha dalka Masar, Abdel Fattah el-Sisi wuxuu ku dhawaaqay in la  dhisi doono guddi laba geesood ah oo howshiisu ay tahay isku dubba ridka  iskaashiga labada dal. Dowladda Masar waxay kulankaasi ku aqbashay casuumad uu Madaxweynaha Soomaaliya u fidiyay Ra’iisal Wasaaraha Masar in uu booqasho ku yimaado Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ka sokow, kulankan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada dalka Masar, waxaa ka qeyb galay Ra’iisal Wasaaraha dalka Masar, Ibrahim Mahlab, iyo Wasiirro labada dal kala matalaya.

no images were found

Dhammaad.

Daud Aweis, Afhayeenka Madaxweynaha

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online