Mu’asasada Al-Karam oo Safar Dacwadeed ka sameysey Degaamo ka tirsn Gobolka Cayn.[Masawiro]

December 4, 2014 - Written by Editor

20141204_090003 [Max Width 1024 Max Height 768]Buuhoodle:-Mu’assada Al-Karam faraceeda Gobolka Sool ayaa wxaa ay ka bilowdey Deegaamda ka tirsan Gobolka Cayn Safar Dacwadeed (Jawlo) , Iyadoo ay Safarkaan Dacwadeed Mu’asasadu ku gudbineyso Duruus iyo Siminaaro kala duwan oo dhinac Maamulka , Faafinta Dawacada , iyo in dadka reer Miyiga ah la baro Diintooda iyo Waajibaadka Alle ka saarey Diintisa.

Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Karam ahna Madax Xafiiska Dacwada Gobolka Sool Sh Axmed Maxamed Suleymaan oo Hogaaminayey Rixlada ama Safarkan ayaa isaga iyo Culimo ay ka mid yihin Sh Dr Maxamed Fidhin , Sh Saciid Muuse Xaaji Nuur ,iyo Eng. Siciid Biyo Cantuug waxey Safar Dacwadeed ku marayaan Deegaamada Widh Widh , Buuhoodle , Qararo iwm .

Culimda ayaa inta ay Safarkooda ku guda jiraan siin doonaan Sinimaro Tabararo Macalinimo , iyo Muxaadarooyin ay ku wacyi gelinayaan Ardayda wax ka barata Deegaamada Gobolka Cayn ka tirsan . Subaxnimadii Khamiista illaa Habeenimadii waxey bixiyeen Sinmaaro, Muxaadarooyin , iyo Wacyi gelin ku aadan Dhinaca Tarbiyada Nafta , Alle ka cabsiga , iyo dhiiri gelinta Barshada Diinta Islaamka .

Magaalada Buuhoodle oo ah Xarunta Gobolka Cayn Waa Magaalo Taariikh iyo Magac ku leh Gayiga Soomaaliyeed , Waxaa Magaalada ka jira Hawlo Dacwadeed oo ay ka wadaan Culimada Gobolka Cayn iyo Culimada Gobolka Sool Sida Shiikh C/Naasir Xaaji Axmed Sh Axmed Maxmed Suleymaan iyo Culimo Kale.

Subxnimadii Saaka wxay Culimadu ka bixiyeen Muxaaadaro qiimo badan Iskuulka Hoose Dhexe ee Deegaanka Widh Widh , iyagoo ardyada kala hadley Qiimaha Waxbarashada , Usama Falka Waalidka iwm

no images were found

Mawliid Ismaaciil Haradigeed  
Buuhoodle Gobolka  Cayn  Somalia 

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online