Qaar ka mid ah Culumada Al-Bayaan oo Safar Dacwo ku tagay gobalka Limpopo (Masawiro)

December 4, 2014 - Written by Editor

SAMSUNG CAMERA PICTURESJohannesburg :_Waxaa maalintii sabtiga ahayd ee ku beegneed bisha 29/11/2014 ku aaday safar dacwi ah culimo ka tirsan xafiiska dacwada ee gobolka Gauteng ee Majliska Al-bayaan gobolka Limpopo oo ka tirsan gobolada koofur afrika oo ay soomaalida sida wayn u degan yihiin. 

Safarkan oo ahaa ujeedadiisu in kor loo qaado dacwada jaaliyada soomaalida gudaheeda iyo in tashi lala soo sameeyo gudiyada dacwada iyo ducaada ku sugan gobolkaasi ayaa waxaa uu ku soo dhamaaday sidii loogu tala galay allah ayaana ku mahadsan. Wafdigan culimada ayaa waxaa ka mid ahaa Sheekh Maxamed Adan C/lle mas,uulka xafiiska dacwada gobolka Gauteng iyo Sheekh shariif abuukar afeey oo ah ku xigaha xafiiska dacwada ee majliska al-bayaan ayaa waxaa wehliyay sheekh Qaasim cabdi hayaan oo ka mid ah asagana xafiiska dacwada ee gobolka Gauteng.

 

Waxaa culimada ay booqdeen afar magaalo oo ka tirsan gobolka Limpopo oo kala ah, Polokwane, oo ah caasimada gobolka, Tzaneen, Thohoyandou, iyo giyaani, waxaa si wayn u soo dhaweeyay culimada ducaada iyo akhayaarta jaaliyada Soomaalida ee ku sugan degmooyinkaasi, waxaana ay culimada si qoto dheer ugu soo kuur galeen acmaasha dacwiga ah ee ka socoto degmooyinkaasi, ayadoo ay ka dhagaysteen warbixin mas,uuliyiinta dacwada ee degmooyinkaasi, sidoo kale waxaa ay culimada ay warbixin faahfaahsan ka siiyeen waxqabadka dacwada gaar ahaan xafiiska dacwada ee gobolka Gauteng iyo caqabadaha jira iyo sidii looga bixi lahaa.

no images were found

 

Culimada ayaa waxay martiqaad u fidiyeen gudiyada dacwada ee ka dhisan degmooyinkaasi in ay ka soo qayb galaan shir wada tashi ah oo ku saabsan mu,tamarka islaamiga ah ee bishan lagu qaban doono dalkan koofur afrika goboladiisa, martiqaadkaasina way aqbaleen gudiyadii wayna soo dhaweeyeen. Ugu danbaystii wafdigii culimada ahaa waxay dib ugu soo laabteen magaalada Johannesburg Arabacadii shalay ahayd ka dib safar dacwo oo qaatay shan casho, waxayna culimada mahada allah ka sakow u mahadnaqaayaan dhamaan akahayaartii ku soo dhawaysay degmiiyinkii ay booqdeen iyo sidii fiicneed ee wadatshiga iyo wacyigelinataba ay ugala shaqeeyeen.

 

 

Maxamed Aden Abdille
Madaxa Dacwada gobalka Gauteng Ee Al-Bayaan.
Koonfur Afrika Johannesburg

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online