Qaraxyo ka dhacay caawa magaalada Baydhabo oo geystay Khasaaro kala duwan

December 5, 2014 - Written by Editor

baydhaboBaydhabo:-Wararka naga soo gaaraya caawa magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa sheegaya in laba qarax ay ka dhaceen Maqaaxi ku taal magaalada Baydhabo oo lagu magacaabo  Baar National waxaana uu geystay khasaaro kala duwan. Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaray Baydhabo  ayaa sheegaya in dhimashada ay haatan gaareyso 11 ruux halka dhaawaca uu kor u dhaafay ilaa 4o qof .Isbitaalka guud ee magaalada Baydhabo ayaa la geeyey dhamaan dadkii ku dhaawacmay qaraxyada.

Gudoomiyaha Gobolka Bay Cabdi Aadan Hoosow oo la hadlay caawa warbaahinta ayaa sheegay in xasuuq uu ka dhacay Maqaaxida   Baar National  oo ay fadhiyeen wariyaal iyo dadweyne rayid ah wuxuuna sheegay in qaraxa koowaad uu ahaa qof naftiisa qarxiyey halka qaraxa labaad uu ahaa gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Warar kala duwan ayaa ilaa haatan ka soo baxaya wariyaasha wax ku noqday qarax waxaan wararka hordhac ah ay sheegayaan in ay ku dhinteen laba wariye oo lagu kala magacaabi jiray Cabdiqaadir Axmed Mayow oo ka tirsanaa Telefeshinka Somalichannel iyo Maxamed Isaaq Barre oo ka tirsanaa Kalsan Tv.

War kale oo haatan na soo gaaray ayaa sheegaya in qaraxyada ka dhacay maqaaxida  Baar National  ay ku dhaawacmeen Xassan Ibraahim (Lug-buur) oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Bakool iyo  saddex wariye oo kala ah  C/qaadir Xasan (Jookar) oo u  shaqeeya TV Kalsan, Maxamed Aadan Socdaal oo ka tirsan Radiyaha  Dalsan ee magaalada Muqdisho iyo C/qaadir Xasan Yeeyow oo u shaqeeya  TV Somalisat.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Halgan.net

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online