Wasaaradda Maaliyadda oo Tababar usoo xiray Shaqaale ka tirsan Hay’adaha Maaliyadda dowladda.

December 10, 2014 - Written by Editor

20141210_112736Muqdisho:-Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda F. Soomaaliya ayaa maanta tababar usoo xirtay qaar kamid ah shaqaalaha Hay’adaha dowladda, gaar ahaan waaxaha Maaliyadda, kuwaas oo la barayay casharo la xiriira maareynta iyo kobcinta aqoonta shaqaalah ka howlgala, waxana xiritaanka tababarka ka qeyb galay ku-simaha Wasiirka Maaliyadda X. F. Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Xalane iyo Wasiir-u- dowlaha Wasaaradda Maaliyadda C/laahi Maxamed Nuur.

Ugu horeyntii, waxaa mubaasabadda xiritaanka tababarka ka hadlay Wasiiru-dowlaha Maaliyadda, Mudane C/laahi Maxamed Nuur, waxana uu tilmaamay in muhiimaddu  ay tahay inaan shaqaalaha  culeys lagu saarin shaqada oo kaliya balse loo sameeyo kobcin iyo aqoon kororsi joogta ah si ay u gutaan shaqooyinkii loo igmaday.

Wasiirka Maaliyadda X. F Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Xalane ayaa kula dardaarmay shaqaalihii dhamaystay saminaarka in ay duruusta la baray dalka iyo dadka uga faa’iideeyaan kuna dabaqaan shaqada ay ummada u hayaan, midkastana waxaa la gudoonsiiyey shahaadada ka qayb galka saminaarka.

no images were found

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay Wasaaradda Maaliyadda in ay wado qorshayaal ujeedadiisu tahay in kor loo qaado hufnaanta iyo furfurnaanta hannaanka miisaaniyadda qaranka, in si wanaagasn looga shaqeeyo isku-dheelli-tirka miisaaniyadda, iyo in kor loo qaado mira-dhalka iyo wax-ku-oolnimada kharaashaadka dawladda.

Dhamaaad

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online