Mutamarka Islaamiga ee ah ee 23aad oo ka socda Aarhus oo galay maalintii 2aad.[Masawiro]
July 31, 2015 - Written by EditorAarhus:-Mutamarka Islaamiga ee ah ee 23aad ee lagu qabto sanad walba Iskandinavianka ayaa waxaa uu si habsami leh wuxuu uga socdaa maalintii labaad magaalada Arhus ee caasimada labaad ee dalka Denmark. Muxaadaradii 1aad ayaa waxaa jeediyey Sh.Dr.Cabdi Nuur Maxamed waxaana uu ka hadlay Qabiilka iyo dhibaatadiisa waxaana uu ka hadlay qaabka uu u dumiyey umado badan .
Culumada ka soo qeyb qaadatay Mutamarka maanta ayaa waxaa ay jeediyeen towjiihaad kala duwan waxaana muxaadarada labaad jeediyey Sh. Maxamed Sh. Cali Mawliid wuxuuna Sheekha ka hadlay Saamaynta xun ee Social mediyadu kuleedahay Dhalinta soo koramaya waxaana uu Sheekhu si fiican u qaadaa dhigay dhibka Social mediyadu u geystay dhalinta soo koreysa.
Muxaadarada Labaad ayaa waxaa galay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ku sugnaa Magaalada Nairobi waxaana si Live ah u soo tabinayey Halgan.net iyaga oo Kaashanaya Salaf Media
no images were found
Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu ka hadlay in Taqwada alle looga badbaado fitanka waxaana uu dardaaran guud u jeediyey jaaliyada Soomaaliyeed ee ka kala yimid wadamada Iskandinavianka kuwaas oo soo camiray Mutamarka Islaamiga ee ah ee 23aad oo galay maalintii Labaad.
Intaas ka did ayaa waxaa ay culumada ay galeen Nadwado wada jir ah waxaana diirada lagu saaray Mashaakilka Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Yurub iyo qaabka ay ugu mintidi lahaayeen Islaamnimadooda.
Halgan.net
Aarhus:
Denmark