Ciidamada JFS iyo kuwa AMISOM oo howlgallo ka wada Gobalka Hiiraan
January 10, 2018 - Written by EditorCiidamada Milateriga ee JFS iyo kuwa AMISOM, gaar ahaan Ciidamada Itoobiya ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab waxay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ay ku sugnaayeen kooxda Al-Shabaab.
Ciidamada Milateriga ee Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa ku sheegay howlgaladooda in ay doonayaan in ay furaan wadooyin ay gooyeen kooxda Al-Shabaab wadooyinkaas oo hoos yimaada Degmooyinka Baladweyne, Maxaas iyo Matabaan ee gobalka Hiiraan .
Taliyaha Ciidanka Xoogga ee Gobalka Hiiraan Jen Tawane Axmed Gurey oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in u jeedkoodu uu yahay, sidii Al Shabaab looga saari lahaa guud ahaan gobalka Hiiraan
A/Cawale
Halgan.net