Madaxweynaha JFS oo si weyn lagu soo dhaweeyey deegaanka Balanbale
January 20, 2018 - Written by EditorMadaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey Deegaanka Balanbale ee Gobolka Galgaduud.
Wafdiga Madaxweynaha JFS ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey degmada Balanbale waxaana uu uga sii gudbi doonaa deegaanka Xeraale iyo Degmada Cabudwaaq.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliaya Masuuliin iyo waxgarad ka soo jeeda gobalka Galgaduud waxaana ay wafdiga madaxweynaha kala hadleen baahida ka jirta gobalka Galgaduud gaar ahaan Degmada Balanbale .
Degmada Caabudwaaq iyo deegaanka Xeraale ayaa haatan waxaa ku wajahan Wafdiga Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
A/Cawale
Halgan.net