Madaxweyne DFS iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Addis Ababa
January 27, 2018 - Written by EditorMadaxweynaha DFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo galabta gaaray magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu ka furmi doono maalinta berri ah Shir Madaxeedka Midowga Afrika. Shirkan oo ah kii 30-aad ee Madaxda Afrika isugu yimaaddaan.
Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa waxaa looga hadli doona dagaalka lagula jiro musuqmaasuqa iyo xoojinta Amniga waxaana hogaamiyaasha Midowga Afrika ayaa si wada jira u qorfeyn doona arimo kala duwan.
Madaxweynaha JFS ayaa inta uu ku sugan yahay Midowga Afrika waxaa la filayaa in uu kulamo la yeesho madaxda hoggaamiyaasha dalalka Afrika.
Magaaladda Addis Ababa waxaa horey ugu sugnaa wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo gogol xaar u ahaa Wafdiga Madaxweynaha DFS Maxamed Claahi Farmaajo.
A/Cawale
Halgan.net