Habeenkii 5aad Nadwo cilmiyeed ka socota masjidka Al-Rowada ee Boosaaso (Masawiro)
April 13, 2018 - Written by EditorBoosaaso:-Nadwadii 16aad oo xiriir ah ayaa kasocota Masjidka Al-Rowda Bosaso Waxayna gashay habeenkii 5aad waxaana caawa darsiga ku qoranaa Sh C/naasir Xaaji Axmed waxaana sheekhu halku dhig Uga dhigay (Dowrka Qabiilku Kuleeyahay Dhisma Bulshada) Sheekha ayaa ugu horaynba waxaa uu kahadlay Farqiga u dhaxeeya Qabyaalada Iyo Qabiilka waxaana sheekhu sheegay in Qabiilku uu yahay mid Allah Bulshadiisa u abuuray Ayna tahay sababtu In Laysku garto Islamarkaana Lagu Xiriiriyo Qaraabada .
Sh C/naasir oo Kamid ah Culimada lagu yaqaan in uusan runta kagaban ayaa kadigay habka soomaalidu u xaqirto qabiilada kale iyaga oo ku doodayan faan iyo waxaan Kitaabka Allah meelna kaga oolin.
Sheekha ayaa dhanka kale waxaa uu ku tilmaamay wax laga Xumaado Islamarkaana ah dulmi iyo gabood fal habka soomaalidu Magta uduudsiiso Agoonta aabahood ladilay loona qaybsado magdheer/Jifo/Rafiso iyo wax shaydaan Xariiqay iyadoo dhinac lays kaga Tuuray Kitaabkii Allah Iyo Sunadii Nabigeena Muxamad Sallalaahu Calayhi Wasalam.
Ugu danbayn Sheekha ayaa kudardaarmay Midnimo Soomaali Nimo Waxaana uu ka sheekeeyay Barisamaadkii iyo dowrkii soomaalidu ku laheed Caalam isagoo tilmaamay in somalidu ahayd dad qabwayn islamarkaana is Xiriirisa .
Ugu Danbayntii waxaa Lagalay qaybtii Su’aalaha ee dadweynuhu soowaydiiyeen Culimada waxaana caawa kajawaabay
no images were found
- Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf
- Sh Axmed Daahir Xasan
- Sh Maxamed Macalin Axmed
- Sh C/raxmaan Bukhaari
Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska warbaahinta Al-Minhaaj