Jawaari oo ka hadlay wixii maanta ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka (Daawo)
April 4, 2018 - Written by EditorMuqdisho:-Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay wixii maanta ka dhacay xarunta Golaha Baarlamaanka DFS sheegay in Saakay loo diiday in uu xarunta ku taggo gaadiidkiisa, islamarkaana uu xarunta Golaha Shacabka ku yimid mar danbe isaga iyo 11 askar ilaalo u ah.
Jawaari ayaa beeniyay in ciidamo taageersan ay la wareegeen xarunta golaha Shacabka waxaana uu sheegay in ay tahay war aan sax ahayn.
Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Jawaari ayaa Taliyeyaasha ciidamada ugu baaqay in aysan ku dhexmilan siyaasadda wuxuuna ugu baaqay in ay ka dhaqeeyaan amniga
Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka in uu saakay uu ciidamo ku qabsaday golaha shacabka.
A/Cawale
Halgan.net