Madaxweyne Farmaajo “Waxaan ku dhiirri gelinayaa Mudane Jawaari in uu halkiisa ka sii wado dadaallada uu ku bixinayo dowlad dhisidda Soomaaliya”
April 10, 2018 - Written by EditorMuqdisho, 10ka Abriil, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Guddoomiye Jawaari, tanaasulka uu sameeyey iyo go’aanka shuruud la’aanta ah ee uu u qaatay danta dalka. Madaxweynaha oo shir jaraa’id ay si wada jir ah u qabteen Guddoomiyaha xilka iska casilay ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kula dar daarmay in uu sii wado dadaallada uu ku bixinayo dowlad dhisidda Soomaaliya.
“Waxaan ku dhiirrigelinayaa Mudane Jawaari inuu halkiisa kasii wado dadaallada uu ku bixinayo dowlad dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan qabyo tirka Dastuurka, waxaana dowladda iyo shacabkaba ka filayaan talo bixin iyo toosin joogta ah.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, muddadii dheerayd ee uu u soo shaqeeyay dalka iyo waqtiga uu ku bixiyey dowladnimada.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in ay sii labo laabto dadaalkeeda, maadaama ay horyaallaan hawlo culus oo ay ka mid yihiin sugidda amniga iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.
no images were found
Sidoo kale, Baarlmaanka waxa uu u jeediyey in ay dardar geliyaan meel marinta hindise sharciyeedyada ay xukuumadda u soo gudbisay ee ahmiyadda u leh howlaha dowladda iyo in ay kor joogteeyaan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan dowladdooda, ayna la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgalyada.
DHAMMAAD
Wixii faah faahin ah, fadlan kala xiriir
Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail:media@presidency.gov.so