Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo furay Shirka Wasiirada Amniga
April 25, 2018 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweyne kuxigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Puntland Eng CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey ayaa furaya maanta shir gaar ah oo looga hadlayo Ammaanka Soomaaliya oo dhan, kaas oo ka dhacaya magaalada Garoowe.
Shirka looga hadlayo amaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan wasiiro ka socda dawladda Faderaalka & Dawlad gobaleedyada .
Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeedsho ka shirka, waxaana inta uu socdo diiradda la saaray sidiin wax looga qaban lahaa amaanka dalka loogana hortag lahaa kooxaha argagixidada ah ee Shabaab iyo Daacish.
Wasiir ku xigeenka amniga Gudaha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse ayaa sharaxay ahmiyadda Shirkan oo uu sheegay in uu dabo socdo shirar hore gudaha dalka loogu qabtay wuxuuna sheegay in shirka ka dhacaya Garoowe diirada lagu saari doono.
1- Isku xirka Hay,adaha Amniga dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyadda Dalka.
2- Samaynta Tirakoob sax ah oo lagu samaynaayo Ciidanka kala duwan ee dalka
3- Ka warbixinta Xaaladaha Amni ee Dowladda Faderalka iyo Maamul goboleedyadda
M_M Deeq
Halgan.net