Madaxweyaha Puntland oo furay Kal-fadhigga 54-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

June 15, 2024 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta furay Kal-fadhigga 54-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland .

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa Dastuuriga aheyd uga hadlay Waxyaabaha u qabsoomay Xukuumadda intii u dhexeysay labada Kalfadhi iyo qorsheyaasha waxqabad ee u yaalla Xukuumadda , wuxuu sidoo kale ka hadlay arrimaha Federaalka isagoo ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud in laga laabto go’aanka lagu soo qufayo Qabuuraha magaaladda Muqdisho.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid , Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Golaha Garsoorka, Xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland , Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Saraakiil Madaxtooyo, Isimada Dhaqanka , Ururada Bulshada iyo marti sharaf kale .

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

Comments are closed.

Archives
June 2024
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online