Madaxweynaha DFS oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Norway, Jonas Gahr Støre.

June 11, 2024 - Written by Editor

Norway:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Norway, Mudane Jonas Gahr Støre.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Norway ayaa si qoto dheer uga wada hadlay horumarinta iskaashiga labada dal, waxayna isla qaateen in la xoojiyo iskaashiga dhaqaalaha, mashaariicda horumarka iyo amniga.

Sidoo kale, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xadgudubka Itoobiya ee ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo xasiloonida gobolka. Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Ra’iisul Wasaaraha Norway dhibaatada ka dhalatay xadgudubka Itoobiya iyo dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Norway la wadaagay dadaallada xooggan ee dowladda Soomaaliya ay ku bixineyso dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, isagoo caddeeyey in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay cirib tirto argagixisada Alshabaab oo caqabad ku ah nabadda iyo xasiloonida dalka iyo gobolka.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi isfaham iyo is-afgarad ah, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada shaqeynta iyo iskaashiga dhow ee labada dal.

——DHAMMAAD—–

Comments are closed.

Archives
June 2024
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online