Madaxweynaha Galmudug oo baaq nabad ah jeediyey.
June 15, 2024 - Written by EditorGuriceel:-Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray deegaanno ka tirsan waqooyiga Gobolka Galgaduud, kuwaas oo maalmo ka hor uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya beelo walaala ah oo ood wadaag ahaa.
Madaxweynaha oo halkaas ka furay gogol nabadeed ayaa la kulmay odayaasha iyo wax garadka labada dhinac, isagoo kala hadlay sida ay muhiim ugu tahay in ay gaaraan xal deg deg ah iyo nabad waarta oo labada dhinac dhex marta.
Si guud billawga gogosha ayaa la isla qaatay saddex qodob oo kala ah;
1: In xabbad joojinta la is la qaatay, sidoo kalana lala shaqeeyo ciidammada amniga.
2: In la kala qaado maleeshiyaadka.
3: In dhinacyadu usoo diyaar garoobaan gogol nabadeed oo caasimadda Dhuusamareeb la dhigay.
———Dhammaad—–