Madaxweynaha JFS oo magacaabay Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Qaran ee Cimilada

June 30, 2024 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dib u habaynta iyo horumarinta qorshaha qaran ee isbeddelka cimilada ayaa Xeer Madaxweyne LR.235, ku dhisay Sanduuqa Qaran ee Cimilada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u magacaabay Mudane Liibaan Daahir Obsiiye oo khibrad durugsan u leh siyaasadda Maaliyadda in uu noqdo Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Qaran ee Cimilada.

Sanduuqa Qaran ee wax ka qabashada Isbeddelka cimilada ayaa ka kooban labo heer oo kala ah; Heerka Guddiga Maamulka Sare iyo Heerka Fulinta, qaab dhismeedkaas oo la jaanqaadaya hannaanka daah-furnaanta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal weyn ku bixinaysa ka hortagga, la qabsiga iyo xakamaynta isbeddelka cimilada, maadaama ay saameyn toos ah ku leedahay duruufaha nololeed ee dalkeenna iyo musiibooyinka soo noqnoqday ee abaaraha iyo fatahaadaha.

——-DHAMAAD—-

Comments are closed.

Archives
June 2024
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online