Madaxweynaha Jubaland oo gaaray deeegaanka BuuloXaaji

June 18, 2024 - Written by Editor

Kismaaayo:-Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho ku tagay deeegaanka BuuloXaaji ee gobolka Jubada Hoose oo dhawaan laga xoreeyay Khawaariijta.

Madaxweynaha oo meel fagaare ah kula hadlay dadweynaha deegaanka ayaa sheegay in dhammaan hay’adaha Dowladda ay bilaabi doonaan Adeegyada bulshada gaar ahaan Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo adeega internetka oo dhawaan loo fasaxay deegaanka iyadoo Madaxweynahu uu intaas ku daray in maamulka deegaanka sida ugu dhakhsiyaha badan loo soo dhisi doono.

Waxaa Madaxweynahu uu balanqaaday in Ciidamada xoreeyay Buuloxaaji ayna dib uga noqon doonin isagoo sheegay in sidoo kale deegaanka laga hirgalin doono maxkamad isla markana aan la aqbali doonin in dacwad loo aado kooxaha Khawaariijta ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mudo dheer khawaariijtu ay isku diraysay beelaha deegaanka taas oo sababtay isku dhacyo dhinaca beelaha ah.

———Dhamaad—-

Comments are closed.

Archives
June 2024
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online