Madaxweynaha Puntland oo ka qeyb galay xuska maalinta Deegaanka Aduunka

June 5, 2024 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda xuska maalinta Deegaanka Aduunka oo sanad kasta loo dabaaldego (05-ta Bisha June), taasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayey munaasabadda xuska maalinta deegaanka adduunka , ayaa faray Masuuliyiinta Maaliyadda, Laamaha Amniga iyo Hay’adaha ay khuseyso in laga billaabo maanta aan wax Bac ah laga soo dejin karin Puntland, Kuwa lagu soo geliyo kotorobaankana laga hortago, sii loo illaaliyo deegaanka.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa Munaasabadda la wadaagay dadaalka ay Wasaaradu ku bixisay Illaalinta deegaanka iyo dhireynta, wuxuuna uga mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Guud ahaanba Dowladda muhiimada la siinayo arrimaha deegaanka iyo Isbedelka Cimilada .

Hal ku dhiga xuska illaalinta deegaanka ayaa sanadkan laga dhigay “Dib u soo nooleynta Dhulka, la-dagaalanka saxaraha iyo u adkeysiga Abaaraha”. Waxaana ka qeyb-galay munaasabadda Masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka iyo Hay’adaha ay wadashaqeeyaan, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, Laamaha Amniga , La-taliyeyaal , Waxgarad, qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Saraakiil Madaxtooyo.

-DHAMMAAD-

Comments are closed.

Archives
June 2024
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online