Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo furay Munaasabadda Mashruuca CAAFAG.

June 30, 2024 - Written by Editor

Garoowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa ka qeybgalay Munaasabadda qalinjebinta Dufcadii 7-aad ee Caruurta colaadaha ku lug lahaa oo la baray farsamada gacanta, sida Korontada, Biyo-gelinta iyo Farsamada gaadiidka.

Mashruucan oo magaciisa loo soo gaabiyo (CAAFAG) waxaa iska kaashaday Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska iyo Hay’adda UNICEF, tan iyo 2017-kii oo la billaabay waxaa ka qalin jebiyey 513 Arday, Caruurta aan qaangaarka aheyn ee colaadaha ku lug leh waxaa loo sameeyay xanaaneyn, daaweyn Cilmi nafsi Kadibna waxaa lasiiya 8-bilood oo cilmiga farsamada gacanta ah si ay ugu shaqeystaan oo u maareeyaan mustaqbalkooda.

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, ayaa boggaadiyey oo mustaqbal wanaagsan u rajeeyay Ardayda bartay farsamada gacanta, isagoo muujiyey in ay Dalka ka jiraan fursado shaqo oo badan oo xagga farsamada gacanta ah, wuxuu Madaxweynuhu uga mahadceliyay Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha Qoyska iyo Hay’adda Unicef, sida loo joogteeyay mashruucan oo muhim u ah bulshadeena.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

Comments are closed.

Archives
June 2024
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online