Baarlamaanka Puntland oo maanta ansaxiyey Miisaaniyadda 2024

July 2, 2024 - Written by Editor

Garoowe:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 7-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta oo soo xaadireen 51 Mudane ayaa looga dooday ku noqoshada Miisaaniyadda Dawladda Puntland ee lixda Bilood ee Luulyo- Diseembar 2024, taas oo warbixin la xiriirta Golaha la wadaageen Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo xisaabaadka oo akhriskii labaad ku sameynayey.

Dood iyo Falanqeyn dheer ka dib, Golaha ayaa ansixiyey Ku noqoshada Miisaaniyadda 2024 ee Bilaha Luuliyo–Diseembar 2024.

Odoroska ku noqoshada Miisaaniyadda ee lixda bilood ee soo socota sannadka 2024 ee Golaha la horkeenay waxay dhan tahay 207, 009, 112 (Labo boqol iyo todoba milyan, sagaal kun, boqol labo iyo toban Dollar.

Guntanka fadhiga oo ahaa (51) Mudane, waxaa Ansixinta Miisaaniyadda dawladda ugu codeeyey Oggol (47) Mudane, Diimdo (2) Mudane, halka ay ka Aamuseen (2) Mudane.

———DHAMMAAD——

Comments are closed.

Archives
July 2024
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online