Ku-simaha Madaxweynaha Puntland oo ka qeyb galay xuska sannad guurada 64-aad ee xornimada.

July 1, 2024 - Written by Editor

Garoowe:-Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Osmaan Lugatoor ayaa qasriga Madaxtooyada DPL ee Garoowe kaga qayb-galay Calansaarka munaasibadda xuska maalinta Qaran ee 01, Luulyo, 64-sano kadib hanashada gobanimada dalkeena 1960-kii.

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, waxaa uu shacabka Soomaaliyeed meelkastay joogaanba ugu hambalyeeyey munaasibadda maalinta qaran ee xoriyadda, waxa uu u rajeeyey nabad, horumar iyo midnimo.

Munaasibadda waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid, Goleyaasha Dowladda iyo Saraakiisha laamaha Amniga .

-DHAMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

Comments are closed.

Archives
July 2024
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online