Madaxweynaha dalka Jabuuti oo kulan la qaatay Hogaamiyaha Khaatumo State.
July 8, 2024 - Written by EditorJabuuti:-Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo booqasho shaqo ku jooga Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.
Hoggaamiyaha ayaa si weyn uga mahadceliyey Soo dhawaynta diirran ee shacabka iyo Dawladda Jabuuti ku soo dhaweeyeen weftiga Maamulka SSC-Khaatumo.
Hoggaamiyaha ayaa Sidoo kale bogaadiyay Doorka Dowladda Jibuuti ee Dowlad dhiska Soomaaliya iyo guud ahaan iskaashiga amniga ee gobolka.
Dhankiisa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa bogaadiyey booqashada Hoggaamiyaha iyo weftigiisu ku yimaadeen Dalka Jabuuti, isagoona xusay in Jabuuti tahay dal iyo dowlad xarun u ah Soomaali oo laga jecelyahay dhammaan dadka Soomaliyeed.
Hoggaamiyaha ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jibuuti uga warbixiyay Xaaladda Guud ee SSC-Khaatumo, nabadda iyo xasilloonida ka jirta deegaannada SSC-Khaatumo, maamul dhiska, iyo hiigsiga dhaw ee dibu dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.
———DHAMMAAD——
Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Madaxtooyada SSC-Khaatumo