Madaxweynaha JFS ayaa ayaa tacsi u diray qoyska Sheekh Cusmaan Xiddig

July 20, 2024 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada, culumaa’udiinka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Sheekh Cusmaan Xiddig uu ahaa caalim weyn, daaci iyo macalin udub dhaxaad u ahaa barida iyo faafinta diinta islaamka, isagoo tacab iyo waqti badan galiyay soo saarista culumo aqoon durugsan u leh diinta Islaamka iyo Jiilal waxtar u leh dalkeenna.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Alle ha u naxariisto Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud waxa uu ahaa caalim tacab iyo waqti badan galiyay baridda iyo faafinta diinta islaamka, waxaana ka aflaxay culumo badan oo soomaaliyeed oo maanta door weyn ku leh fidinta diinta”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, sabar iyo iimaanna ka siiyo ehelada Marxuumka, culimaa’udiinka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

——-DHAMMAAD—–

Comments are closed.

Archives
July 2024
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online