Nadwo Cilmiyeed si Habsami leh uga socota magaalada Laascaanood (Daawo)

July 23, 2024 - Written by Editor

Laascaanood:-Waxaa maanta oo Talaadaa taariikhduna tahay 23/07/2024 ka bilaawday hoolka shirarka ee Waafi Nadwo cilmiyeed ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed oo ka kala yimid deegaano kala duwan

Nadwada Cilmiyeedka ayaa waxaa si habsamo leh u soo agaasimay Mu’assasada Al-Hidaaya waxaana ka soo qeyb galay nadwada waxgaradka gobalka sool ganacsato iyo masuuliin ka tirsan Maamulka Khaatumo State

Nadwa Cilmiyeedka ayaa waxaa furay Gudoomiyaha golaha wakiilada Khaatumo State Sheekh Jaamac Yaasiin waxaana uu soo dhaweeyey culumada nadwada ku qabaneysa Laascaanood wuxuuna ugu baaqay in dadweynaha Reer Laascaanood ay culumada ka faa,ideystaan.

Dhanka kale Sheekh Dr Jaamac Ismail Mire ayaa culumada ku soo dhaweeyey Furitaanka Nadwada wuxuuna uga mahad celiyey Culuamada Nadwada ka soo qeybgashay wacyi galinta dadweynaha Soomaaliyeed meelwalba ay joogaan.

Culumada Nadawada ka qeyb galeysa waxaa ka mid ah

1- Sheekh Xasan Ibraahim Abu Xasaaan
2-Sheekh Axmed Cabdi samed
3-Sheekh Maxamuud Xaliike
4-Sheekh Fu,aad Maxamuud Xaji Nuur
5-Sheekh Dr Jaamac Ismail Mire
6-Sheekh Axmed Maxamed Suleymaan
7-Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax
8-Sheekh Craxmaan Abyad
9-Sheekh Dr Craxmaan Sh Claahi Cumar

Nadwada waxay culumada ka jeediyeen Muxaaradaad kala duwan Hoos Ka daawo.

1-Kalimadii Furitaanka Nadwada Sheekh Jaamac Yaasiin Gudoomiyaha Baarlamaanka Khaatumo State.

2-Furitaanka Nadwo Cilmiyeed ka bilaabatay Magaalada Laascaanood Sh Dr Jaamac Ismail Mire

3-Waynaynta Qur,aankan kariimka ah_Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax

4-Sidee ayuu Qur,aanku dadka usaameeyaa.Sheekh Dr Cabdiraxmaan Sheekh Claahi Cumar

Mu’assasada Al-Hidaaya
Laascaanood
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
July 2024
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online