Raisulwaaraha DFS oo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubaland

July 30, 2024 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hogaaminayo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Jubaland u yimid dhiirigalinta iyo tageerada Ciidamada Jubaland iyo Xooga dalka oo guulo la taaban karo ka gaaray dagaaladii u danbeeyay ee ka dhacay deegaanada Jubaland.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Taliyayaasha Ciidanka Xooga iyo Booliska iyo Wasiirada Gaashandhiga, Amniga, arrimaha gudaha, Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowlada Federaalka ah ayaa maanta booqasho dhiirigalin ah ugu tagay Ciidamada Darawiishta Jubaland gaar ahaan guutada Birjeex ee fadhigoodu yahay deegaanka BuuloXaaji ee gobolka Jubada Hoose.

Guutada Birjeex ee Ciidamada Darawiishta Jubaland ayaa dhawaan cagta mariyay khawaariita oo weerar kusoo qaaday deegaankan taas oo ah tariikhda jabkii ugu weynaa ee hal goob kusoo gaara Khawaariijta.

/p> ——Dhamaad—-

Comments are closed.

Archives
July 2024
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online