Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo.

August 11, 2024 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Kulanka Madaxweynaha iyo Dadweynaha ayaa ahaa kulan is-xog-wareysi shacabkuna fursad u heleen in ay Madaxweynaha weydiinayeen su’aalo dhanka siyaasadda ah iyo kuwo ku saabsan qorshaha hortebinta u xukuumadda gaar ahaan dhanka adeegyada bulshada ee dowladdu bixiso, Mashaariicda horumarinta , Kaabayaasha Dhaqaalaha, doorka shacabka ee horumarka iyo Amniga, iyo ka gungaaridda masuuliyad wadareedka saaran qof kasta oo muwaadin ah,

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada magalaada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sidoo kale kulanka ayaa daaranaa is-xogwaraysi guud oo ku salaysan nabadda gobolka Mudug, Aminiga Guud, adkeenta Xasiloonidda, horumarka gobolka, nabadaynta beelaha walaalaha ah ee xurguftu dhextaallo, la dagaalanka maandooriyaha iyo ka hortagga falalka Argagixisada cadawga ku ah shacabka iyo dowladdooda.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa nabadoonada beelaha gobolka Mudug, masuuliyiinta dowladda iyo waxgaradka gobolka ku wargeliyey in si dhammaystiran oo dhiifoon looga shaqeeyo amniga iyo xasiloonida.

=DHAMMAAD=

Leave a comment

*

Archives
August 2024
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online