Kulan Siyaasadeed Golaha Wakiillada Puntland iyo Xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS
October 27, 2024 - Written by EditorGaroowe:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad, Mudane Hon Mohamed Mohamoud Isse, iyo xubno ka tirsan Golaha Wakiillada, ayaa caawa kulan muhiim ah la leh Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa daba socda kulan hore oo ay labada dhinac ku yeesheen maanta Xarunta Aqalka Wakiillada, kaas oo looga hadlay arrimaha federaalka iyo siyaasadda dalka.
Qodobada muhiimka ah ee Kulanka caawa.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon. Abdirisak Ahmed Said oo hadal ka jeediyay ayaa caddeeyay in Puntland ay si buuxda u aqoonsan tahay Dastuurka Federaalka ee 2012, isagoo yiri:
“Dastuurka 2012 waa aasaaska nidaamka federaalka ee dalka, waana muhiim in la ilaaliyo qodobada iyo mabda’aas si loo xaqiijiyo Dawladnimo isku dheellitiran oo ku saleysan wadajir iyo cadaalad.”
Sidoo kale, wuxuu xusay in Puntland ay u taagan tahay taageeridda nidaamka federalka, marna aysan aqoonsanayn wax walba oo ka hor imanaya qaab dhismeedkaas.
Doodaha ka Socda Kulanka;
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray qodobbada soo socda:
● Arrimaha Siyaasadda Guud ee Soomaaliya: Ka doodista xaaladda siyaasadeed ee dalka.
● Qeybsiga Khayraadka Dabiiciga ah: Hagaajinta habka loo qeybsado khayraadka dabiiciga ah.
●Nidaamka Doorashooyinka: Iskaashiga iyo horumarinta nidaamka doorashooyinka.
● Amniga iyo Iskaashiga Ciidamada: Xoojinta amniga dalka.
● Awood Qeybsiga Siyaasadeed: Maamulidda awooda siyaasadeed.
● Arrimaha Dastuurka: Falanqeynta wax ka bedelka dastuurka.
● Arrimaha Bulshada: Mashaariicda waxbarasho iyo horumarinta bulshada.
Ugu Dambeyn, kulanka ayaa ah mid furan oo weli socda, waxaana la filayaa in laga soo saaro qoraal dhammeystiran oo faahfaahinaya talooyinka iyo go’aannada laga gaari doono.
Guddoomiyaha ayaa ku boorriyay dhammaan dhinacyada in ay sii wadaan wadahadallada si loo xaqiijiyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan nabad, horumar, iyo Dawladnimo ku dhisan dastuurka federaalka.
– DHAMMAAD –
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta
Golaha Wakiillada Dowladda Puntland