Madaxweynaha DFS oo ka qeyb galay munaasabada Markabka ORUC REIS oo baaris ku sameynaya shidaalka dalka

October 26, 2024 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kaga qeybgalay Dekedda Muqdisho munaasabad lagu soo dhaweynayey Markabka ORUC REIS oo baaris ku sameynaya shidaalka dalkeenna ayaa xusay rajada ay leedahay Soomaaliya oo ka faa’iidaysta khayraadkeeda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay mid taariikhi ah oo horseedi doonta horumar dhaqaale iyo shaqo abuur ballaaran. Isagoo soo bandhigay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay si wanaagsan uga faa’iideysato kheyraadka dabiiciga ah ee dalku leeyahay, iyada oo ilaalinaysa danta guud iyo maslaxadda shacabka.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu u mahadceliyey Madaweynaha Turkiga Mudan Rajab Dayib Ordogan iyo shacabka dalkaas oo si walaalnimo ah u garab istaagay dowlad-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

“Anigoo ku hadlaya magaca Umadda Soomaalyeed waxaan u mahadcelinayaa shacabka, Dowladda Turkiga iyo hoggaankeeda Mudane Rajab Dayib Ordogan oo markasta oo aad istiraahdid Soomaaliya waa laga sii jeestay dib u xasuusiya caalamka. Maanta mar kale ayaad qaadateen go’aan ku saabsan xoojinta horumarka, dhaqaalaha iyo awoodda Soomaaliya”.

———-DHAMMAAD——

Leave a comment

*

Archives
October 2024
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online